Xisbiga Waddani Oo Si Adag U Cambaareeyay Talaabadii Xukuumadda Albaabada Ugu Laabtay Wargeyska Hubaal

(SM- Hargeysa) – Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa maanta si adag uga hadlay tallaabada xukuumaddu ku xayirtay Wargeyska Madax-banaan ee Hubaal.

Xoghayaha warfaafinta ee Xisbiga Waddani Maxamed Xasan Dirir oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay xisbi ahaan ay ka xun yihiin tallaabada lagu xayiray Wargeyska, iyadda oo buu yidhi aan waxba laga qabanin weerarkii isku dayga dil ahaa ee lagu qaaday isla-markaana lagu dhaawacay Mulkiilaha Wargeyskaasi Maxamed Caloolay.

Maxamed Xasan Dirir, waxa uu sheegay in xukuumaddu caado ka dhigatay inay cabudhiso saxaafadda madaxa-banaan ee dalka, waxaanu xukuumaddu ku eedeeyay inay ka gaabsatay inay wax ka qabato weerarkii hubaysnaa ee lagula kacay Wargeyska Hubaal “waxa muuqata in xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo ay doonayso inay shacabka dhagaha qabato oo aanu dadku waxba maqal oo ay meesha ka saarto madax-banaanidii iyo xoriyadii saxaafadda, taasi oo ay u adeegsanayso awooda dawladnimo, iyadoo maalinba wargeys albaabada loo laabayo, kuna soo kordheen weeraro caddaan ah oo loo gaysanayo saxaafada Madaxa-banaan” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanu leenahay xisbiga Kulmiye ee xukuumaddu shalay markuu Mucaaradka ahaa isagaa ku ololeysan jiray Madax-banaanida saxaafadda, waxaanu aaminsanahay inaanu Madaxwaynuhu tallada qabteen haddii aanu haysan saxaafad Madax-banaan iyo xoriyatul-qowl rasmi ah oo Somaliland ka jiray, waxaanu aaminsanahay in saxaafada iyo madax-banaanideedu tahay muqadas, Somaliland-na waa u muhiim”

Maxamed Xasan Dirir, waxa kale oo uu ka hadlay “Wargeyska Hubaal iyaga oo dhibanayaal u ah dhibaatadii shalay gaadhay in maantana albaabada loo laabaa, waxay u muuqanaysaa in xukuumaddu daah-saarayso dhacdadii wargeyska Hubaal ku dhacday” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Mar walba waxaanu taageersanahay anshaxa saxaafadda iyo inay ilaaliso sharafta qarankani leeyahay, balse xukuumadda ka yeeli-mayno inay tidhaahdo lama hadli karo”

Salaanmedia/hargaysa