Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mid ka Wanaagsan inama soo marin

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Mid ka Wanaagsan inama soo marin

June 12th, 2013 

Waxaa laga eegaa xukuumadaha jira laba meelood oo kala ah sida ay danta guud iyo nabadgeliyada uga shaqayso iyo arimaha dibda iyo dhaqaalaha wadanka.

Sidaasidarteed tan iyo intii uu mudane Axmed.M.M.siiraanyo la wareegay xilka iyada oo khasnada dawlada lagu leeyahay dayntii aynu wada ogayn ayaa hadana waxaa si xoogleh looga shaqeeyey sidii dhaqaale loo abuuri lahaa waana lagu guulaystay oo waxaynu og nahay in burco oo kali ah lagaga bedelay lacagtii giinbaarta ahayd mudo sanad iyo badh gudohood,waxaa kale oo aan og nahay in isla sanndkii ugu horeeyey ee xilka xukuumadan loo kordhiyey mushaharkii shaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida iyo boliiska iyo waliba danyartii iskuulada oo laga daayey lacagtii laga qaadi jiray isla markaana laga dhigay waxbarasho free ah.

Waxaa kale oo aan og nahay in xukuumadani A.M.M siiraanyo fulisaya intaasi oo dhisme wasaaradeed isla markaana ay qurxisay dhamaan wasaaradihii dayrkoodii lagana dhigay dhagax si ay magaaladu u bilic samaato,waxaa kale oo la sameeyey in la qalabeeyo wasaarad kasta iyo ha’yadaha dawladaba haddii ay madaxbanaan yihiin iyo haddii kaleba.

Waxaa kale oo la tayeeyey ciidamada qaranka kuwa booliiska lana siiyey tababaro dheeraad ah sidii ay ula dagaalami argagixisada innagu xeeran iyo waliba in ay ilaaliyaan xuduudaha dalka.
Waxaa kale oo xukuumadan dadaal aan la qiyaasi karayn ka gaysatay dhinaca wadooyinka kuwa cusub iyo kuwii hore ee jajabay intaba oo haddii aan kuu soo qaado tusaale in aanay waligeed dhicin in ay boorame gudaheedu yeelato laami iyo waliba gabiley intii ka horeysay xukuumadan Axmed.M.M.siraanyo balse dadaalkaasi iyo wax qabadkaasi ay xukuumadani la timid laguna hambalyeynayo waxtarkeeda wanaagsan.

Waxaa socda wadooyin xukuumadani fulinayso qaar qaarna ay taageero baaxada ka geysanayso oo ay ka mid yihiin togwajaale,gabiley,burco,oodweyne,dawga cad ee woqooyiga,hargeysa salaxley iyo waliba kuwa gobolada ee dhamaaday ee ay xukuumadani fulisay ama ay gacanta ka geysatay qiyaas ma leh cid dafiri kartaana ma jirto wadada uu marayo ragga qaylinayaa ee xukuumada dhaliilayaana way maraan wadooyinkaasi ay fulisay xukuumada A,M.M Siilaanyo.

Waxaa kale oo iyana wax la tilmaamo ku haboon furidii xisbiyada loo furay iyo shuruuc u samayntoodii oo haddii aan tusaale u soo qaado aan odhan karo siyaasiyiin aan xisbiyo lahay ayaa imika xisbiyo cusub leh iyo waliba dhalinyarad oo loo fasaxay in ay tartanada ka qayb geli karaan kuwaasi oo hore sharcigu ugu diidanaa balse xukuumada siiraanyo u soo celisay xuquudoodii,

Waxaa iyana la tilmaami karaa mudadan ay jirtay xukuumada kulmiye madaarada dalka oo si fiican looga shaqeeyey kuwaasi oo aan hore u lahayn meel la fadhiisto iyo musqulo toona balse intii xukuumadani jirtay ay si fiican u qurxisay isla markaana lagu sameeyey dayctir aad u wanaagsan oo la mid ah kuwa caalamaka.
Waxaa iyana xusid mudan dayctirka lagu sameeyey madaxtooyada somaliland oo runtii aad la dhacayso sida ay u quruxsan tahay iyo sida ay u leedahay protcoolka taasi oo aan hore u jirin.
Waxaa kale oo xusid mudan sida ay xukuumadani uga shaqaysay arimaha dibada isla markaana ay uga qayb gasho shirarka caalamiga ah kuwaasi oo sumcadeenii kor u soo qaaday isla markaana aad moodo in somaliland dhalatay inta ay xukuumadan kulmiye haysay xilka.

Waxaa kale oo iyana in la xuso ah in madaxweyne A.M.M.siiraanyo ku dhiiraday inuu bixiyo darejooyinkii ciidamada nooc kasta oo ay yihiin taasi oo aan hore u dhicin laguna dhici waaye(waa dawladihii ka horeeyey siiiraayo e).
Hadaba waxaan isleeyahay mudaduii ay xukuumadani xilka la wareegtay waxaa la qabtay wax badan oo lagu diirsan karo haddii ay ammaan tahay iyo haddii ay wax qabad muuqdo tahay intaba.

Waxaan u sheegayaa dadka iska hadlaya ee sheegaya beenta cadaanka ah ma waxay dafirikaraan wadada loo sameeyey ee ay marayaan mise guriga quruxda badan ee loogu shaqaynayo,ma waxay dafiri karaan waxqabadka cadaanka ah ee xukuumada kulmiye ee aan hore u jirin ma waxay dafirikaraan laydhaka dawlada ee qiimaha yar ugu baxaya ma waxay dafiri karaan askariga hadh iyo habeen u soojeeda ee ay ku hurdaan,nabadgelyadoodana ilaalinaya.

Guntii iyo gabagabadii waxaan isleeyahay qofka wax ka sheegaya xukuumadan inuu isla yaabo waayo in wax laga sheegaba maah ee waa in la taageero lana taaniyadeeyo oo kali ah markaa waxaan isleeyahay waa xukuumad waxqabad muujisay,madaxna uu ka yahay waaya arag siyaasadeed iyo halganba.

Cabdi Daahir Camuud (Cabdi dheere)Â