Xulka Gobolka Maroodi-jeex Oo 2-1 Kaga Badiyay Dhigooda Gobolka Saraar Oo Maanta Labadooda Lagu Furay Ciyaaraha

Xulka Gobolka Maroodi-jeex Oo 2-1 Kaga Badiyay Dhigooda Gobolka Saraar Oo Maanta Labadooda Lagu Furay Ciyaaraha

Hargeysa(SM) June02, 2013 – Xulka Gobolka Maroodijeex (Hargeysa) oo difaacayana Horyaalnimadda koobka tartanka Gobolada oo ay ku guulaysteen ciyaarihii sanadkii 2011-kii lagu qabtay Magaaladda Burco, ayaa maanta 2-1 ku muquuniyay xulka Gobolka Saraar oo ay wada yeesheen ciyaartii u horaysay ee furitaanka tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland.

Labadan xul oo ku wada jira Group-ka (A ) waxay soo bandhigeen diyaar xiiso gelisay dadweynihii daawanayay waxaana daqiiqadii labaadba xulka Gobolka Maroodi-jeex la yimaadeen gool qurux badan oo uu u dhaliyay Ciyaaryahanka la yidhaahdo Maxamuud Cabdi Xasan )Koofindhe), hase yeeshee xulka gobolka Saraar oo qaaday weeraro is dabo-joog ah ayaa daqiiqado ka dib bar-bareeyay xulka Gobolka Hargeysa ee marti-gelinaya ciyaaraha goboladda.

Waxa xulka Saraar goolkaasi u saxeexay ciyaar yahanka Casaanyo oo sitay lambarada 17-aad kana mid ah weerarka Saraar.
Qeybtii hore ee ciyaarta oo gabo-gabo ah ayaa waxa ciyaartoyga gobolka Maroodi-jeex ay dhaliyeen goolkoodii labaad oo ka dib markii ay heleen gool ku laad, waxaana goolkaasna saxeexay isla ciyaartoygii goolka koowaad u dhaliyay ee Maxamuud Cabdi Xasan Koofindhe oo isla isaga lagu galay rikoodhahaasi.

Ciyaartan oo xamaasadeedu sii kordhaysay mar-marka ka dambaysa waxa labada xul ay ahaayeen kuwo is ceshanayay oo weerar iyo weerar celis ah.

Kooxda gobolka Saraar oo laga saaray hal ciyaartoy oo qaatay kaadhka cas, ayaa si mintidnimo ah u ciyaarayay. Waxa qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2-1 ay xulka Maroodi-jeex ku hoggaaminayeen.

Wada tashiyadii Tababareyaasha labada xul ay soo siiyeen ciyaartoyga labada xul waxay sii shideen xaraaradii ciyaartaasi, hase yeeshee waxa xulka gobolka Maroodi-jeex ay ku guulaysteen inay difaacdaan goolashooda, waxaanay ciyaartii ku dhamaatay 2-1 ay ku guulaystay xulka Maroodi-jeex.

 

 

Salaanmedia.com