Xulka Kubadda Kollayga ee Gabiley Oo Caawa Dar-daray Xulka Awdal

Xulka Kubadda Kollayga ee Gabiley Oo Caawa Dar-daray Xulka Awdal

June 4th, 2013 

Hargeysa (SM)- Xulka kubadda Kollayga ee gobolka Gabiley ayaa caawa ka badiyay xulka kubadda Kollayga ee gobolka Awdal oo ay caawa wada yeesheen ciyaar adag oo xamaasadeedu aad u saraysay.

Ciyaartan oo ahayd ciyaartii labaad ee tartanka Kubadda kollayga oo ka socda garoonka kubadda Kolayga ee Tima-cadde ee caasimadda Hargeysa.

Ciyaartan waxa u soo daawasho tagay Wasiirrada Ciyaaraha, Warfaafinta, Duulista Hawadda, Badhsabaabka Gabiley iyo Badhasaab Ku xigeenka Awdal, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda iyo Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa iyo Taageereyaasha labadan xul.

Ciyaartan oo taageereyaashu aad iskugu orinayeen (Qeylinayeen) waxay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar xirfadeedu sarayso oo raali-gelisay dadweynihii u soo daawasho tagay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa labada xul waxay ku kala nasteen 12 dhibcood oo ay shaqaysteen gobolka Awdal, halka xulka Gabiley-na ay la yimaadeen 28 dhibcood.

Qeybtii dambe ee ciyaarta oo aad uga kululayd qeybtii hore waxay ku dhammaatay Xulka Gabiley oo keensaday 40 dhibcood iyo xulka gobolka Awdal oo isna la yimid 19 dhibcood sidaasna waxa ku badiyay xulka gobolka Gabiley.

Dhinaca kale, Tartanka kubadda kollayga ee goboladda dalka oo xalay ka furmay Garoonka Timacadde ee caasimadda Hargeysa waxa tartanka lagu furay xulalka goboladda Maroodi-jeex iyo Hawd, waxaana ciyaartaasi ku guulaystay xulka Maroodi-jeex oo difaacanaya horyaalnimadooda tartankii 2011-kii.

Waxaanay Xulka kubadda Kolayga Maroodi-jeex ay ku jiidheen 40 dhibcood, halka gobolka Hawd-na uu la yimid 23 dhibcood.

Waxa tartanka kubadda kollayga xalay si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Mudane Cali Siciid Raygal.

Cumar Maxamed Faarax
Salaanmedia/Hargeysa