(SM.Hargaysa)  Bahda SalaanMedia  meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxay hambalyo u dirayaan guud ahaanba shacabka Somaliland, ummadda Afka Soomaaliga ku hadashada iyo Shucuubta Islaamka dal kasta oo ay dunida ka joogaan, waxaanan ugu hambalyeynaynaa Curashada ama bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Waxaannu guud ahaan idiin rejaynaynaa in Illaahay inna siiyo Bisha Barakaysan ee Ramadaan Khayrkeeda, Naxariisteeda iyo Fadligeeda. Waxaanan Illaahay ka baryeynaa In Illaahay innaga dhigo inta uu waafajiyo gudashada Acmaasha suubban ee Soonka iyo Cibaadada hore-ba waajibka innoogu ahayd.

 

Waxaannu leenahay Illaahay Khayrkeeda ha inna siiyo oo ha innagu daro inta uu Barakada Bisha Ramadaan ee ugu Dembi-dhaafo, ugu Naxariisto, Cadaabtana kaga xoreeyo. Aammiin…Aammiin….Aammiin.

 

 

Salaanmedia/London