warbixin xasaasi ah iyo xaqiiqada somaliya dariskeeda rabaan

Shirkii Jaraa’id ee uu qabtay Habiil Cabdi Haybe oo arimo badan ka hadlaaya.

Waxaan halkan kusoo koobayaa si faahfaahsana ugu cadaynayaa damaca kenya iyo itoobiya ee dhulka somalia in loo qaybiyo labadaa dal oo somaliya labaabiiyo,  NINKA L YIDHAAHDO DONALD KIPKORIR WAA LOOYAR SARE OO DAWLADA KENYA XEER ILAALINTEDA XAG SHARCIGANA KAL TALINJIRAY MADAXWEYNIHII HORE EE KENYA  MOI KIBAAKI  NIKANI WUXUU KU QORAY  MAALIN JIMCE AH 03/10/2008 JARIIRADA UGU CAANSAN DALKA KENYA OO AH DAILY NATION IN KADIB BURBURKII DHAQAALE EE  LEHMANS BROTHERS IYO MERILL LYNCH WAA LABADII  SUUQA  MAALGASHIGA ADUUNKA UGU WAAWEYNAA OO KACAY AYUU IS YIDHI  USA UGA FAAIDAYSTA OO KADHAADHICIYA IN SOMALIA  LAQAYBSADO  SI DHAQAALAHEEDA LOO BOOBO  HADABA WAXAAN SOO GAABINAYAA WIXII NINKAAN KENYAATIGA AH EE DALKIISA LAGU GUMAYSTO  UU QORAY;

Wuxuu yidhi 50 nin oo dharbadan aan xidhnayn oo soomaali ah ayaa usbuucii hore afduubtay markab ruushku leeyahay oo sida hub casri ah oo loo waday dekeda mombasa kaas oo kusocday koonfurta suudaan oo markaas udiyaar garoobaysay xornimo iyo dagaal miduun,  waxaa uu inataa kudaray wiilashii markabka afduubtay inay gacanta kudhigeen hub casri ah oo aad uheersareeya oo fudud iyadoo USA iyo RUSSIA labaduba ay aad uga xanaaqeen hubkaa khataarta ah ee gacanta ugalay dhalinyaro muslima oo soomaali ah sidaa daraadeed somaliya waxay joogtaa xilgii laqabsanlahaa oo loo qaybinlahaa itoobiya iyo Kenya  baarlamaankii Somalia wuxuu dhamaantii fadhi kuleeyahay dalka kenya iygaana noo ansixinaya qabsashada dalkooda hotelbaanu isugu geynaynaa si aan uga dhamayno saxiixa ugu dambeeya ee lagu qabsanayo somalia isagoo uqaybiyey dhulka somalia laba qaybood oo waaweyn dhuusamareeb ilaaraaskaambooni kenya ayuu siiyey,  waqooyiga dhuusa mareeb ilaa zaylacna wuxuu siiyey itoobiya hadaba waxaa layaab leh oo uu kudaray in marka laqabsado somalia dhaqaalaha kubaxaya milateriga  kenya iyo itoobiya muqdisho loo geeyo inay bixiso oo saliida somaliya kujirta lasoo saaro si kenya umanaafacaadsato dhaqaalaha somalia kujira, hadaba damiir laawayaasha umalaynaya in kismaayo loo qabanayo oo ay iyagu xukumi doonaan halkay aadi doonaan ayaa laga sugayaa wuu bilaabmay qorshihii kenya ku riyoonaysay  itoobiyana waa ku xigtaa waana lahubaa qorshahan in lafulindoono ilaahayse umasuura galiyo insha alaah waa kujabayaan dagaalka waana laga adkaan doonaa xili aan fogayn.

 

Habiil Cabdi Haybe

London