Ciidamadan ayaa soo bandhigay dhoolla-tus ciidan oo ay ku muujinayeen tababarradii ay soo qaateen, waxaana ay gudaha magaalada mareen iyagoo saran gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan tiknikada.
Sidoo kale, Sheekh Abuu-Cabdalla wuxuu hadalkiisa ku sheegay inay yihiin ciidamadan dufcaddii labaad oo tababar noocan oo kale ah dhameysta inta lagu jiro sannadkan, isagoo sheegay inay ka hortagayaan wax walba oo dhib kawada gobolka iyo deegaannada ku dhow-dhow.
“Diyaar baan u nahay inaan la dagaallanno dowladda Somalia iyo ciidamada gacanta siinaya ee Afrikaanka ah, waxaan u tababaranay waa difaacidda iyo u adeegidda diinta Alle,” ayaa ka mid ahaa erayo ay ku dhawaaqayeen qaar ka mid ah ciidamadii tababarka soo dhameystay.
Xarakada Al-shabaab ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa laga saaray deegaanno badan oo ay ka talinaysay, kuwaas oo ay ku jirto Muqdisho iyo degmooyinka ku dhow-dhow, waxaana sidoo kale laga saaray, Kismaayo, Baydhabo, Baladweyne, Marko, Jowhar iyo deegaanno kale oo fara badan.