Ururka SOLJA Oo Lagu Dhaliilay ka hadal la’aanta wariye maalintii 6aad Ku xidhan SAYLAC.

u_105891d_2013-7-23-14-0-59f_cali xajar55 

Borama(SM) ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa wali ka aamusan oo aanan ka hadal xadhiga xadgudubka ah ee ay xukuumada Somaliland gaar ahaan Madaxda degmada SAYLAC ee gobolka Awdal kula kaceenwariye Cali Xajar oo ahwariyihii TV-ga Somalichannel ee magaalada Saylac.

SOLJA ayaa waxa la gaarsiiyay dacwad ka dhan ah tacadiga loo gaystay wariye CALI XAJAR, balse waxa ay gacanta saarteen afka mana jirin wax juuq ah oo ay ka daba keeneen wariyaha, mid ka mid ah suxufiyiinta oo aad uga xun sida ay u dhaqantay SOLJA ayaa yidhi “Waxa aan aad uga xumahay in SOLJA ay noqotay urur qabiil leeyahay oo u ololeeya wariyeyaasha gaar waliba kuwa reer Hargaysa, waxa uu wariye Cali Xajar xidhan yahay mudo 6 maalmood ah mana jirto wax ka hadlay oo SOLJA ka socda.

Sidoo kale wakiilka SOLJA ee Gobolka Awdal Haashim Sh. Cumar oo aan khadka taleefanka kula xidhiidhnay ayaa beeniyay in SOLJA u taagan tahay u adeegida wariyayaasha reer HARGAYSAAD, waxana isaga oo ka waramaya arinta wariye Cali Xajar uu yidhi “Waxaan la xidhiidhay Saylac waxa aan waayay cid ii xaqiijisa inuu xidhan yahay iyo in kale ma arag meel uu ku qoran yahay warka xadhiga Cali Xajar, sidaas oo ay tahay hadana wali waan wadaa inaan hawsha wariyahaas meel saaro”

 

SALAANMEDIA.COM

HARGEISA\\OFFICE

Md. Haashim isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi ” Ma Lihi lama xidhin, balse waxa aan ku jiraa inaan xaqiijiyo in la xidhay”

Wariye Cali Xajar ayaa maalintii Lixaad ku xidhan Saldhiga dhexe SAYLAC isaga oo ay xukuumada degmada SAYLAC u xidhay ka dib markii uu tabiyay warar ku aadan isku dhacyo ka dhacay dekeda Saylac kadib markii ay ciidamada bada ee Somaliland iyo dad ganacsato ahi isagu khilaafeen arinta shidaal ka soo dagay dekeda SAYLAC.