Xukuumadda Somalia oo Ajaanib Guryo uga dhex dhisaysa Xarunteeda Madaxtooyada

kay
Nairobi: 31-JULY-2013(SM) xogo u dhuun daloola  madaxtooyada somaliya, ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay guri uga dhiseyso danjiraga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador Nicholas Key xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Hindisaha Arrintan ayaa timid markii dhawaan mid ka mid ah xarumaha Qaramada Midoobay la weeraray, isla markaana Sabtidii weerar lagu qaaday xarun Turkiga uu ku lee yahay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa ay wararku intaa ku darayaan in Danjiruhu codsaday in xafiiskiisa oo hadda ku yaalla xarunta Xalane ee AMISOM loo wareejiyo Villa Somalia maadama ay ka mid tahay xaruntani meelaha sida wayn loo  ilaaliyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oggolaaday in danjiraha la soo dajiyo Villa Somalia maadama danjiraha oo ka soo jeeda UK uu sameeyay wax yaabo horumar leh muddadii uu xilka hayey.

Danjire Key  ayaa inta badan wakhtigiisa ku qaata  magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isagoo degdeg uga baxa Magaalada muqdisho markasta oo uu soo gaadhaba.

Wakiil Kay ayaa Marka uu magaalada Muqdisho tago waxaa inta badan uu ku sugan yahay xarunta Villa Somalia, waana tan keentay in xafiiskiisa loo soo wareejiyo halkan.

 

Dowladda Ingiriiska dhawaan waxa ay magaalada Muqdisho ka furatay safaarad, laakin safaaradaas si rasmi ah uma shaqeyso, waxaana danjiraha loo magacaabay uu hadda ku shaqeeyaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dowladda Ingiriiska waxaa magaalada Muqdisho ka jooga ciidamo iyo diplomaasiyiin kuwaas oo howlgalo ka sameeya magaalada Muqdisho.

Dawladda Federalka ah ee Somaliya, ayaan iyadu si rasmi ah wali u xaqiijin inay ku talo jiraan sidii ay Madaxtooyada Dhexdeeda Hoy uga dhisi lahayd Danjire Key, waxase la  filayaa inay dhawaan arrintaa ku dhawaaqaan.

 

Salaanmedia.com

Nairibi/Kenya