Akhri magacyada Rag loo toogtay dil ay hore ugu geesteen Sheekh Caan ah xilli uu salaad dukanayay.

news-image1

Xarunta maamulka Puntland ee Garowe ayaa maanta waxaa lagu toogtay kadib markii maxkamadi xukuntay rag loo heestay dilkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo la dilay xilli uu u taagnaa Salaad Casir.

Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa la dilay bilaawgii sanadkaan gaar ahaan 15-kii February iyada oo dad fara badan arintiisa loo qabtay kuwaas oo qaarkood uu ku dhacay xukun dil ah kadib markii la helay cadeyma muujinaya kulug lahaanshaha falka waxashnimada lahaa ee sheekha lagu toogtay.

Raga maanta la qisaatay oo tiradooda lagu sheegay labo ayaa dhawaan waxaa maxkamada Garoowe ay dul dhigtay xukun dil ah kadib markii in badan baaritaan lagu hayay. 

Laba nin ayaa lagu kala magacaabi jiray C/raxmaan Jaamac Bile oo ahaa ninkii geestey toogashada Sheekha iyo Cabdullaahi Cismaan Axmad(Caynte) oo isaguna ay ku cadaatey in uu qeyb muhiina ka ahaa dilkii sheekha.

Khaarijinta labadaan ruux ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay dhamaan ehelada Sheekha oo ku tilmaamay in uu ahaa mid cadaalada loo cuskaday.

Salaanmedia/Hargaysa