ASTAAMAHA nolosha qofkastaa ku guulaysankaro

CABDI

Qofkasta   oo  aduunkan  dushiisa  kunooli    waa  uu  guuleysankaraa  hadii  uu kasoo  baxo  ama  uu buuxiyo  shuruudo  badan  oo noloshiisa  wax kabedelikara.  sida qofkasta oo  kawkan dushiisa  ku  nooli ogsanyahay  waxa  jira  dad  badan oo   nolosha   kagaadhay  horumar   lataaban  karo.   hadaba  waxa   aynu  soo  qaadanaynaa   dhawr   shay   oo  qokastaba  u horseedi kara   guul  aduun  iyo  mid  aakhiraba   hadii  uu layimaado. waan    kuwan   hoos   ku qoran,

 
1:  Inaad  noqoto  qof      alehka cabsi badan  oo  ilaahay    si toos ah  ugu  xidhan   goor  kasta    iyo  wakhti kastaba.
2:DAACADNIMO     [honest].  qofkasta  oo muslim dhab ah  waxa   lagudboon  inuu daacad  unoqdo  waxkasta  oo qabanayo    sida    shaqadiisa.   reerkiisa.  dalkiisa.  dadkiis.  iyo   bulshada  uu  kudhexnoolyahay  intaba.
3:DULQAADKA  [patient] .  dulqaadku  waxa  uu  kamid yahay shayga ugu horeya  ee asaaska  u ah  guusha  nolosha.  waayo qofkasta  sida   uu yahay  dulqaadkiisa  ayuunbanu  guulkasta  ku gaadhi karaa.  samirku   waa jidka  lagu  gaadho guulkasta    dhinaca kale    isbedelka   nolosha   ayaa  iyaduna  u baahan   samir   iyo  dulqaad   dheeraad   ah.
DADAALKA [effort] .  Dadaalku  waxaynu  odhan karnaa  waa mid  kamid  ah  furayaasha  guush   kaasi  oo loobahanyahay  in lasameeyo shaqo kasta.     hawlkasta. oo  laqabto  in loo  dadaalo  sida  ugu   haboon  uguna  macquulsan,   tusaale  inaad  ku dadaasho  waxad  heegsanayso    oo aad  rabo  inaad  kamidho  dhaliso  hadii   eebe   kulagarabgalo.
4:AQOONTA  [knowledge].   Run ahaantii  sida  qofkastaba  ogsonyahay  aqoonta  qofku waxay geysaa  meel aad u sareysa.  sidaa   awgeed  waxkasta  oo aad  isleedahay  kuguulayso    waa  inaad aqoontedina  leedahay.  hadii  aanad  lahayn  waa  inaad     waayo   aragnimadeedii  leedahay.
5: DHAQANKA [culture].   shaykasta  oo  aad  jeceshay  inaad  kagaadho  guul   waa     inaad  fiiriso ama  eegto  dhaqan   malooleeyahay  sheygan  intaad  bulshada   usoo  badhigin. mise   dadka aad   donayso   inaad  uso  badhigto  masoo   dhaweynayaa     arinkaasi.
6:BALANQAADKA  [appointment].  balaqaadku  waxa   uu kamid yahay   waxyaalaha qofka   sitoos ah  wax  uga   badelikara,   tusaale  ahaan  hadad meherad  leedahay  oo aad   dadka macmiishada aad  u balanqado   inaad  u keenayo   alaabooyin  dadku  xiisaynayaa  waxay   taasi  kuu  horseedi kartaa   guulo badan  iyo  kalsooni  badan  oo dadku  ay  kaa  aaminikaraaan.
7:  KARTIDA  [creativity],    shay kasta  oo aad  qabanayso  waa  inad  awoodiisa  iyo kartidiisaba  leedahay, oo aanad   cidkale  aanad  wax kasugin.
8: HOGAAMINTA  [ leadership],  Inaad   noqoto   qofhagaamintisu  tahay  mid  qofkasataba  soo jeedinkarta   islamarkaasina    ay   bulshadu   u aragto  qof dalka  iyo dadkaba  daacad    u  ah. oo  waxqabad  lataabankaro  sameynkara.  dhinacakale  waa  inuu yahay  qof go,aangaadhikara   [decision maker].
9:DABACSANAN  [ flexibility],  waa  inaad  tahay  qofdabacsan  oo go.aankugaadho aan kasoo  noqokarin.    laakiinse   eegaya  dadka    baahidiisa.  dadka  u dabacsan oo aanad    noqon  qof   ad .adag oo macagag  ah.
10:WADAXIDHIIDHKA   [ communication].   waa muhiim  ah  inaad    noqoto  qof dadka   si wanaagsan   ulaxidhiidha   una  mahadnaqa   goorkasta    oo  aad    waxkarabtid    ama    wax  ay kuuqabteen. ogsoonow    mahadnaqu  qofka  waxa  uu siiyaa  dhiiri  galin dheeraad   ah  [ motivation].   waxana  lagama maarmaan  ah  inaad  dadka  ula  xidhiidho   si  xushmad  iyo  qadarin  ku dheehantahay.
11:ILAALINTA  WAKHTIGA.   [time keeping].   wakhtigu  waxa  ugu  horeya  ee  lasiinayo  muhiimada,  waayo  qokasta  waxa  uu  ku xisaabtamayaa  wakhtiga   maxaa yeelay  wakhtigu  waa shay qaaliya  , [.time is money]
12: QOF XAGA WANAGSAN KA EEGA. [positive person]    wax  muhiim ah  inaad    noqoto  qof   xaga  wanaagsan  waxkasta  ka eega  oo aan  u fikirin  dhinaca    qaldan ama  dariiqo  qaldan.
13: QOF RIYO FOG LEH  ,[  vision].   waa  muhim    inay jirto   meel aad  hiigsanayso  aad  donayso   inaad  gaadho    hadii   ilaahay   kuu dhibyareyo.   wana   inaad  taqaano  ujeeda aad   ushaqaynayso   iyo waxad  aad  donayso   inaad  kamidho  dhaliso  hadii    ilaaha   awooda lihi kuu  dhibyareeyo.
 
                              Cabdi     Barud       Cabdi  Xarago  .   
 
                                                     Bristol  uk.