Axkaamt Soonka ee bisha barakeysan ee ramadaan Q: 8aad

image

 

 

Maqaalkan oo ah kii 8aad ee Axkaamta Soonka waxaan kusoo qadan doonaa waxyaabaha sunada u ah ruuxa sooman iyo waxyaabaha u banaan maalinta Ramadaanka inta lagu jiro si ay taas noogu baraarujiso dhowrida sunaha iyo inaanan iska xarimin wax aysan shareecdu xarimin.

Waxyaabaha sunada u ah qofka sooman inuu sameeyo waxaa jira waxyaabo ay suno tahay haboon tahayna ruuxa sooman inuu aad ugu dadaadaalo inta lagu jiro bishaan Ramdaan waxaana ka mid ah.

1- Dadajinta afurka: waxaa suno ah in ruuxa sooman dadajiyaa afurka marka ay qoraxda dhacdaba uu uusan sugin inta Aadaamka laga dhameeyo Salaada maqribka laga dukado, Nabiga Suubana Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee waxa uu sheegay hadal macnihiisu yahay Umada inay kheyr qabti tahay inta ayba afurka dadajinayso.

Marka dadajinta afurka waa calaamad muujinaysa dadku inay kheyr faraha kula jiraan ahlu-kheyrna yihiin, taas macnaheedu waa waa dad dhowray sunihii oo ku taagan dariiiqii saxnaa ee diinteena.

Sidaa darteed ka digtoonow inaad afurka dib dhigto ilaa iftiinka gaduudan ee qorax dhaca ka dib muuqdaa ka mugdiyoobo, taasoo macnaheedu yahaya inuuusan ruuxa afurin ilaa laga gaaro waqtiga Salaada cishaha kaasoo bilowdo marka uu mugdiyoobo Iftiinka gaduudan ee soo baxo qorax dhaca ka dib.

Xilga afurka ee sunaha waafaqsan waa in la afuraa marka ay qoraxda dhacdo hala adimo ama yaan la adimin shardi ma aha xataa ruuxa inuu sugo ilaa Adaanka laga dhameeyo, waxaana haboon muadinkuba inuu afuro inta uusan aadaanka bilaabin maadaama waqtgii afurku galay oo qoraxdiiba dhacday.

2- Daahinta saxuurta: Cunida saxuurta waxaa suno sideedaba waana in aad loo ilaaliyaa waxa ayna qofka ka kaalmaysaa inuu tamar ka helo, Barako ayaana ku jirta sida uu sheegay Nabigeena Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee.

waxaa sunaha ka mid ah in ruuxa Saxuurta dib u dhigo ilaa laga gaaro xiliga Fajarka labaad ka dibna is u ka joogsado saxuurta marka adinku.

Waxaana xasuusin mudan qofka waxaa u banaan inuu cunadiisa ama Cabidiisa wadan karo ilaa Fajarka labaad ka dhasho shardina ma aha inaad dadaadaal ahaan 10 daqiiqo ka hor Fajarka labaad waqtigiisa sii joojisid, waqtiga saxuurtu ku egtahay waa waqtiga Fajarka labaad dhasho ee Salaada Subax loo adimayo inta ka horeysa waxaa kuu xalaal ah wax walba oo u xalaal ah ruuxa aan sooneyn.

3- Timir qoyan in lagu afuro: waxaa sunaha ka mid ah in timir lagu afuro hadii ruuxa timir waayana inuu kakabado biyo ayaa wanaagsan, Culimada Muslimiintana waxa ay yiraahdaan Timirtu waa suno hadana waa caafimaad inaad ku afbilaabato marka aad afurayso.

4- Ducada Xiliga afurka: Waxaa sunaha ka mid ah ruuxa marka uu afurayo inuu duceysto asagoo dhahaya:
{ ذهب الظمأ وابتلَّت العروق وثبت الأجر إن شاء الله} oo macno ahaan ah: Oonkii tag xididahiina dhargeen ajarkiina lahel.

Waxaana xasuusin mudan ruuxa sooman waxaa sidiisaba u wanaagsan inuu ku dadaalo ducada marka uu sooman yahay maadaama uu Allaah Quraanka ku sheegay Aayaadka soonka inuu ducadana ajiibo islamarkaana uu Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee sheegay in uu Allaah ajiibo Ruuxa sooman ducadiisa.

Waxyaabaha u banaan qofka Sooman
waxaan soo faahfaahinay qeybo ka mid ah waxyaabana ka reeban ruuxa sooman inta lagu jiro maalinta Ramadaanka, markana waxaan u gudbaynaa arimaha u banaan qofka sooman ee aan wax dhibaata ah ku keeneyn soonkiisa weliba dadka qaar u heestaan in soonka dhibaato ku tahay.

1- Candhuufta inuu liqo ayaa u banaan ruuxa sooman Maalinta Raladaanka asagoo sooman maxaa yeelay shareecada Islaamka dadka noloshooda ma cariiriso ama caafimaadkoodaba wax uma dhinto suura galna qof uma aha inuu candhuufta ka ilaaliyo dhuuntiisa haduusan naftiisa dhibaateyneynin.

Hase yeeshee Xaakada adag ee mararka qaar qofka ka timaada waxaa wanaagsan inuusan liqin maalinta soonka ah iyo hadii uusanba ruuxa soomaneyn, hadii ruuxa uu liqo asagoo sooman waxaa raajax inaysan ka jabinayn soonka walow ay jiraan culimo qabtaa in xaakadu soonka jabiso.

2- Macjuunka ama daawada lagu cadaydo ayaa u banaan qofka sooman inuu maalinta Ramdaanka ah isticmaalo asagoo looga baahan yahay inuu uu iska ilaaliyo inuu liqo ama ay u gudubto gudihiisa, waxaaana aad u wanaagsan cidii heli kartaa cadayga caadiga ah inuu ruuxa ku cadaydo mar kastaba.

Waxaana xasuusin mudan in cadaysiga uu banaan yahay Maalinta soonka galinka hore iyo galinka dambaba weliba waxaana wanaagsan in la cadaydo maxaa yeelay cadaygu waxaa uu qofka u yahay sunno inuu isticmaalo mar kasta sanadka oo dhan gaar ahaan marka afku ur yeesho, marka qofka sooman wuu cadayan karaa labada galinba si uu u nadiifiyo afkiisa sidaas ayaana rajax ah.

Waxaana jira in ay inta badan culimada mad-habteena shaafciga qabaan karaahi inuu cadaysiga galinka dambe ee maalinta Ramadaanka maadaama uu yahay urka afka qofka sooman ka yimaadaa yahay mid ka dhashay cibaado illaah agtiisana ku yahay mid ka caraf badan miskiga.

2- Waxaa u banaan qofka sooman inuu qubeysan karo maalinta Ramadaan labada galinba wax dhibaata ahna soonkiisu kama soo gaaro qubeyska, xataa haduu u qubeesto inuu isku qaboojiyo wax dhibaata ah malaha.

3- Waxaa u banaan qofka sooman inuu dhadhamin karo cuno uu karinayay si uu u ogaado dhanaanka ama kuleylka cunada waana inuu ruuxa dhadhaminayaa cunada ka digtoonaadaa inuu horey usii liqo wax ka mid ah cunada ama cabitaanka, halka wax laga dhadhamiyaana waa carabka afkiisa hore ama foodiisa yarta ah ee maba aha gudahiisa.

4- Waxaa gabadha sooman u banaan cilaanka iyo huruuda inay isticmaasho ayadoo sooman waxna soonkeeda uma dhimo maadaama ay jirka dushiisa kaliya wax ku eg yihiin.

5- Reerka sooman maalinta Ramdaanka waxaa u banaan inay is shumiyaan ama Hab isa siin karaan amaba wada raaxaystaan hadii aysan Jimaac usii talaabsaneyn oo ay naftooda hanan karaan, hadiise ay ka baqayaan inuu soonka ka jabo waa inay iska ilaaliyaan inay isu dhadhawaan dhowraana soonka.

Hadii ruuxa sooman ay ka timaado madida waxa loo yaqaan ee ah dhareerka yar ee kasoo baxa marka ruuxa shahwadiisu kacsan tahay inuusan soonka ka jabin maadama uusan ruuxa manida la yaqaaan ka imaanin.

W/Q: Sh Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com