Baaq Taageero Ah: Beelwaynta Reer Nuur Ee Gobolka Awdal Waxay Taageero U Dirayaan Golaha Wadatashiga Qaran Ee Hargeysa Lagaga Dhawaaqay.

Baaq Taageero Ah Oo Beelwaynta Reer Nuur Ee Gobolka Awdal Ay U Dirayaan Golaha Wadatashiga Qaran Ee Hargeysa Lagaga Dhawaaqay.

 BAAQ

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa bulsho waynta Reer Nuur dhalinyarteeda, Aqoonyahankeeda, Culimaa’u diinkeeda, qurbo joogeeda iyo dhamaan bulshadeeda kala duwani waxa ay hambalyo u dirayaan Golaha Cusub ee lagaga dhawaaqay dhawaan magaaladda hargeysa, golahaas oo la sameeyey wakhti munaasib ku ah xaalada maanta ka taagan Somaliland marka la eego dhinacyadda Jiritaankii dawladnimada, Amniga, Cadaalada, Isixtiraamkii iyo qadarintii dawladnimo oo meesha ka baxday.

Waxa maanta marag ma doon ah in nidaamkii dawladnimo maanta meesha ka baxay oo wax wal oo bulshadu ay eeganaysayba uu maanta meesha ka baxay mudadaa ay jirtay xukuumada maanta talada haysa oo wadankii dib ugu celisay qabiil, musuqmaasuq, Cadaalad daro, maamul xumo, eex, nin jeclaysi, ixtiraam la’aan beelaha aan la qadarinayn oo aan saamigay xaqa u laahaayeen aan la siinayn.

Hadaba iyada oo beelwaynta Reer Nuur ka dam qanayso sida khaldan ee taladii qarankan curdinka ah loo majara habaabiyay, iyada oo lexejeclo ka qabta Jiritaanka Somaliland iyo in dadku uu kuwada noolaado Cadaalad, Sinaan iyo wax wada qaybsi ku dhisan dheeli tir dawladnimo waxa ay si buuxda u taageeraysaa Golaha Badbaadinta Somaliland ee lagaga dhawaaqay Magaaladda Hargeysa Dhowaan, Golahaasi oo ay sameeyeen ragii Somaliland Magaca iyo Milgahaba ugu mudnaa ee qarankan usoo halgamay, kuwaasi oo ka dam qaday maanta sidaa ay wax u sii socdaan in Somaliland ay meel xun ku dhici doonto Mustaqbalka, waxa ay hore beesha Reer Nuur iyadu ugu guntatay in aan qarankani dumin ka dib markii ay xukuumadu ku guuldaraysatay in ay cadaaladda horkeento dadkii dhagarta ka gaystay wadada isku xidha kalabaydh iyo dila, iyo dilkii kale ee Seemaal oo ilaa dadkii falkaa gaystay aan wali la horkeenin cadaalada dadkii la soo qabqabtayna ay jeelasha ku jiraan iyo niman masuuliyiin ahna marka dawcadoodu hala bilaabo la yidhaahdo ay meelaha garsoorka culays ku saaraan in aan kiiskaasi la furfirin iyo qaar damaanad ku jooga dibada oo aan cadaaladii la horgeyn.

Nidaamka dawladnimo waxa bulshooyinku ay ugu hogaansamaan waa in cadaalad la helo oo qofkii dhibta gaysta talaabo laga qaado, waxa ay beeshu markay aragtay in aan dawladi jirin talaabooyinkaa iyadu qaaday oo ay sugayso amniga iyo cadaalada ay dadku kuwada noolaadan waxa ay goosatay in iyagu dhinacooda ka ilaaliyaan Jiritaanka Somaliland inta la helayo dawlad cadaalad marin karta bulshada inta dhibta gaysata, waxakale oo beesha ka qanacday markii ay dhawr jeer ka hadashay saami qaybsigeedii ay dawlada ku lahayd oo meesha ka baxay iyo qaabka shaqaalaynta dawladu ay ku xulato oo ah qaab ku salaysan Beelaysi iyo is xigtaysi oo dhalintii dalku ay tahriib ka qaaday cadaalad darada Dawlada .

Hadaba markii ay beeshu intaas oo khalad ah aragtay ayna ogaatay in dawlada maanta jirtaa lug ku lahayd dadkii lagu laayay iyaga oo hurda Seemaal iyo dilla maadaama oo ay ka caga jiiday cadaladii. dadkii dhagarta qabayna ay u diiday cadaalad, waxa ay soo dhawaynaysaa beeshu cid kasta oo qarankan curdinka ah ka badbaadin karta in uu burburo ama uu ku noqdo nidaamkii dagaalada sukeeye ee qabaa’ilka,maadama aanay jirin dawlad umada u dhaxayn kartaa cidkasta oo badbaadadiisa jecel oo ka dam qanaysa sida ay wax u socdaan iyo burburka ku soo fooleh hadii aan loo gurman oo aan la taageerin golaha toosinta taladii qaloocan tay.

( INDHO LAGU XAQIIJIYO RUNTU ARAGA MAAHEE AAMIINKEEDA WEEYAAN )

Magacyadda Gudiga Warsaxaafadeedka Soo Saaray:

1.Prof. Mahdi Cabdi Ducaale
2.Dr. Abiib Muxumed Bille
3.Enj. Idiris Jaamac Sugaal
4.Prof. Mustafe Cabdi Jabane
5.Dr. Cabdicasiis Xuseen Raage
6.Chief . Muxumed Cabdi Bade
7.Garaad Maxamed C/laahi Diiriy
8.Chief. Axmed Aadan Xassan
9. Bashiir Muuse Bile Caamir
10.Prof. Cismaan Sh. Cumar Sh. Muuse
11.Prof. Kayse Nuur Axmed
12.Xasan Maxamed Maxamuud
13.Xildh. Maxamed Ismaaciil Habane
14.Xaaji Muuse Maxamed Ismaaciil
15.Xaaji Axmed Muxumed Nuur “Axmed Coday”
16.Mr. Cabdiwahaab Cige Axmed
17. Cabdiraxmaan Daauud Xuseen
18. Ayaanle Saciid Khaliif
19. Xamse Sh. Cumar Good
20.Xildh. Muuse Cabdi Xassan
21. Cumar Xaashi Balay
22. Sh. Saleebaan Axmed Askar
23. Dr.Cabdiraxmaan Muuse Barre
24. Dr. Bahiir Cabdilaahi Cabdi
25. Enj. C/Qaadir Cilmi Seed
26. Cabdiraxmaan Hargaysaawi
27.Faud Daahir Jibriil
28.Mustafe Xassan Dhiin
29.Xuseen Barkhad C/laahi
30.C/Kariim Cumar Yahoon
31.Enj.Cabdiraxmaan Gabalaax
32.Avocate. Abubakar Muumin Aare
33.Enj. C/Raxmaan Ciise Xuseen
34. Kamaaludiin Yaasiin Cali
35.Dr. Bashiir Galimays

WABILAAHI TAAWFIIQ:

Ahmed Nuuri

ahmednuri@gmail.com