“Beelweynta Sacad Muuse Sadex Iyo Konton Sanadood ayaanay Is Arage Haloo Diyaar Garoobo Shirkooda Is Barasahada ah Salaadiintana Yaan Laga Nixin”Gudoomiyaha Awal-Galbeed

 news-image1

Berbera(SM)-Gudoomiyaha Awal Galbeed Yuusuf Cilmi Ayaanle(Yuusuf-Dabalule) ayaa markii u horeysey, ka hadley Ujeedada Shirka Beesha Sacad-Muuse ee dhawaan lagu qabanayo Degmada Agabar, Shirkaas oo indhawaale siweyn looga hadalhayay Guud ahaanba Dalka Smaliland.

Gudoomiyaha Awal Galbeed Yuusuf Cilmi Ayaanle oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews kula Soo Xidhiidhay Khadka Isgaadhsiinta Telefoonka isagoo, jooga Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa ku dardaarey Guud ahaanba, Salaadiinta Cuqaasha

iyo Madax-dhaqameedka kasoo Jeeda Beelweynta Sacad-Muuse sida uu hadalkiisa u dhigay in ay iska ilaaliyaan wixii majaro habaabinaya ujeedada nuxurka Shirkan islmarkaana, ka nixinaya Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka haweenka iyo Caruurtaba isagoo ka hadlaya waxa kamid ah hadaladiisa.

 

“Hadaan ka hadlo ujeedada nuxurka Shirka Beesha Sacad-muuse ee dhawaan lafilayo in uu dalka ka qabsoomo, gaar ahaan Degmada Agabar ee Waqooyiga Gobolka Gabiley, waxaan u sheegayaa halkan dad badan oo aan ilaa hada fahamsaneyn ujeedada Shirkan kulanka Beesha Sacad Muuse ay Shirkan oo kale ku kulmaan waxa u dambeeyay Lixdankii,Beelweynta Sacad Muuse Sadex Iyo Konton Sanadood ayaanay Is Arage Haloo Diyaar Garoobo Shirkooda Is Barasahada ah Salaadiintana Yaan Laga Nixin, ayaan leeyahey raga ujeedada kale ka dhex baadhaya ee Beesha katirsan waar waa Shir is barasho oo ay isku baranayaan wax kalena maha aha intaasoo Sano ayaaney Shir ku kulmin waa Muqadas kani in la isku arko oo lagu kulmaa hadaba, Waxaan leeyahey Cuqaasha, Salaadiinta iyo madax-dhaqameedku yaaney mashruuc kale ku furin oo yaan dadka laga nixin ee haloo diyaar garoobo oo jawi fiican haloogu duceeyo ilaahayna haka dhigo kii dalkiisa iyo dadkiisana anfaca”Ayuu yidhi Yuusuf-Dabalule Gudoomiyaha Awal-Galbeed.

Ma aha markii u horeysey ee Gudoomiyaha Awal-Galbeed Yuusuf-Dabalule ka hadlo arimo la xidhiidha Shirka Beesha Sacad Muuse iyadoo, uu hore ugu soo gudbiyay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews taageerda uu ku taageeray Qodobadii uu soo Saarey Suldaanka Guud ee Beelha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan.

 Salaanmedia/Hargaysa    

Â