Beesha Muuse Ismacill(Gadhweyn) oo taageertay Gollaha Wadatashiga Somaliland

BAAQ

 

Ceerigaabo July 25,2013(SM)-Beelweynta Muuse Ismaciil Gadheyn ayaa baaq taageero ah oo ay u jeediyeen Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka Waxa ay ku sheegeen in ay Degaanadooda ka furi doonaan Xafiisyada Golaha.

Baaqa oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhayna waxa uu u dhignaa sidan:

BAAQ TAAGEERO

Hadaanu nahay salaadiinta odayaasha, waxgaradka reerka ee ku kala sugan daafaha dunida waxaanu u fidinaynaa taagero aan lasoo kobin Karin golaha Toosinta iyo Wada tashiga qaranka, waxaanu aad iyo aad uga xunahay xukuumadda oo markasta diyaar la ah lacag faro badan oo ay soo dirayso degmada ceerigaabo taasoo ay u qaybinayso odayaasha iyo wax garadka si loo canbaareeyo golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka.

Waxaanu u sheegaynaa Somaliland in Degmada Ceerigaabo ay xukuumaddu go?doomisay kuna amartay dhamaan hayadaha madaxa banana inayaanay ka hawl gelin Karin degmada ceerigaabo iyadoo ay sheegeen inay tahay meesha ceerigaabo meel aanay awood badan ku lahayn Beesha madaxwaynu waa siday isku qanciyeene.

Waxaanu leenahay waxaanu furaynaa xarumaha golaha degmada oo dhan xarun aad u wayna waxaanu ka samaynaynaa magaalo xeebeedda wayn ee maydh oo ah deked Strategy iyo weliba degaanada kale ee ku hareeraysan.

Waxaanu u sheegaynaa golaha in xataa kuwa lacagta dawladda cunaya ee telefeshanada imanayaa ay laftoodu taageersanyihiin Golaha laakin ay intaas qudha ka tahay ee haku sasina arrintaas wax kazoo qaadna haka dhigina.

Waxaanuna ka codsanaynaa Goluhu inuu si degdega safar ugu soo baxo magaalada ceergaabo si xafiisyada uu xadhiga uga soo jaro.

Beshu waxay canbaaraynsaa wasiirka madaxtooyada oo hadalo deel qaafa kula dul kufay rag waawaayn oo sharaf leh oo ay ahayd inu ka xishoodo, markii ay dagaalameeyena uu ku sugnaa xarumaha lagu quudiyo barakacyaasha, tusale dhega wayne miyuu u jawaabi karaa Somaliland idinkaanu idin waydinaa bixiyihiisii baa dalka ku maqan markaa maaha wax aanu ka raali nahay arrinkaasi.

Odayaasha iyo waxgaradka baaqa soo saaray:

Suldaan Cumar Xasan Ali
Cheef Caaqil Xuseen Axmed Xuseen
Cheef Caaqil Faarax Ali Haamud
Cheef Caaqil Xuseen Axmed Xuseen
Oday Maxamed Siciid Xirsi
Oday Salax Siciid Geelle
Aqoonyahan C/casiis Xasan Xuseen
Aqoonyahan Osman Mahamd Siciid
Prof Yaasin Jama Farah.
Prof Cabdi Ahmed Jibril
Iyo tiro aad u badan oo kale oo aan lasoo koobi karayn