Muqdisho(SM):- Prof: Cali Khaliif Galaydh, ayaa quus ka soo joogsaday riyadii Soomaaliwayn ee uu aaminsanaa isla markaana ay u socon wayday dumintii uu la doonayay Somaliland.
Warar hoose oo laga helayo Cali Khaliif Gallaydh ayaa sheegaya in ay kala quusteen Madaxda Soomaaliya isla markaana ay imika xaaladoodu meel xun marayso isaga iyo Madaxwaynaha Soomaaliya.
Proff: Cali Khaliif Galaydh oo qadiyadda Somaliland xilli hore taagersanaan jiray, ayaa wakhtiyadii dambe ka soo hor jeeday isla markaana aaminsanaa mabda,a Federaalka kana noqday Soomaaliya Raysalwasaare xukuumaddii Cabdi Qaasin Salaad Xasan, isagoo xilliyadii dambena abaabulay kooxda la baxday Khaatumo State oo uu ahaa masuulkii dabada ka riixayay hirgalinteeda.
Cali Khaliif Galaydh,ayaa la sheegay in uu imika ku soo jeedo Somaliland isla markaana uu doonayo in uu wada hadal la furto .
Waxay wararku intaa ku darayaan in uu doonayo in ay xidhiidh dhaw yeeshaan Xukuumadda Somaliland isla markaana uu soo diga rogto dalka Somaliland oo uu hore uga haajiray.
Tallaabadan la sheegay in uu dib ugu soo noqonayo Cali Khaliif Gallaydh ayaa hadday dhabawdo waxay noqonaysaa masulkii labaad ee aaminsanaa Somalilawn isla markaana ka midka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ee dib ugu soo noqda qadiyadda Somaliland oo uu ka soo horjeeday ,waxaana ka horeeyay Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo si wayn uga soo horjeeday Somaliland kana mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya balse usoo noqday qadiyadda Somaliland.
Prof:Cali Khaliif iyo Prof: Samatar ayaa la sheegay in ay labaduba cadaadis siyaasadeed kala kulmeen xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo golaha Baarlamaanka ee ay ka midka noqdeenba.
Salaanmedia/Hargaysa