Ciidamada Booliska Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Koox Ajaanib Ah Oo Si Sharci Darro Ah Macdanta Uga Guranayay Buuraleyda Gobolka Awdal

Jul 13,2013 Borama(SM) – Nin la sheegay inuu deegaan ahaan ka soo jeedo deegaanka Gabilay oo watay 4 qof oo ajanabiya oo la sheegay inay yihiin dadka ka ganacsada Macdanta ayaa waxaa maanta soo qabqabtay bilayska deegaanka Cali-xaydh oo iyo dadka deegaankaasi oo is kaashanaaya, waxaana dhamaantood loo soo gudbiyay saldhiga bilayska ee magaalada Borama halkaasi oo ay loo xilsaaray baadhitaankooda Taliyaha laanta Socdaalka ee gobalka Awdal.

 

Hadaba intaasi kadib ayaa waxaa bilaabmay baadhitaan xoogan oo lagu baadhaayo cida ay yihiin nimankani rabay inay macdanta gobalka ku qaataan qiimo jaban waxaana ay bilayska Borama noo xaqiijiyeen inay nimankan macdanta rabay inay u dhasheen dalka Pakistan ayna ilaa hada ku jiraan baadhitaanka arinkaasi walow bilaysku sheegeen inanay nimankani haysan haba yaraatee wax sharciya wakhti xaadirkan, inkasta oo ninka watay ragani uu sheegay inay sharcigoodii ay kaga yimaadeen Magaalada Hargeysa.

Warar hoose oo aanu ka helnay dad ka agdhawaa agaagaarka uu kiisku ka socday oo ka cudurdaartay inay sheegaan magacooda ayaa waxaa ay shabakada caalamiga ah ee Salaanmediacom u xaqiijiyeen in lagu amray ciidamada laanta socdaalka ee gobalka Awdal inay u soo gudbiyaan Magaalada Hargeysa oo halkaasi lagu baadhidoono.

Nimankan Budhcad Macdaneedka ahaa ee maanta ay soo qabteen muwaadiniinta deegaanka Cali-xaydh oo iyagu ah kuwa dhulkooda ilaashada ayaa waxaa ay sidoo kale u xaqiijiyeen shabada caalamiga ah ee cadceed.com lambarka gaadhi ay wateen oo ahaa 50800 waxaana ay sheegeen dadka deegaan in dadka reer Somaliland Calanka iyo dawladnimadu ka dhaxayso base aanay ka dhaxay Dhulka iyo deegaanku ayna qurux badantahay inwalaalnimo qolokastaa dhulkeeda ugu noolaato.

Sikastaba ha ahaatee kiiskan maanta loo soo xidhay ninkan ayaan ahayn kiiskii ugu horeeyay ee qof ka soo jeeda beesha dhexe oo danbi ka sameeyay deegaanada ka tirsan Gobalka Awdal oo si bilaa shuruuda loogu amro bilayska inay u wareejiyaan Magaalada Hargeysa iyada oo ay xukuumada Somaliland ay tahay mida bilaa xukun sii daysa dadkaasi danbiilayaasha ah ee khaa’inu wadanka ah.

Salaanmedia/Borama Office.