Ciidamadda Itoobiya Ee Ku Sugnaa Gobolka Bay Oo Faaruqiyay Fadhiisimaddii Ay Ka Deganaayeen Halkaas, Gobolo Kalena Xooga Saaray.

(SM-Muqdisho) Ciidamadda Waddanka  Itoobiya ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo ay ku faaruqinayaan qeybo ka mid ah gobolka Bay,  iyagoo ka guuray fadhiisimo ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah magaaladda Baydhabo.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaaya agaasi ciidamadda Itoobiya ayaa faaruqiyay garoonka diyaaradaha Baydhabo kaas oo ay  qeyb ka mid ah  kaga sugnaayeen iyo Xerada 60aad, halkaasoo muddo sanad iyo badh gaadhaysa u ahayd  ay saldhig ciidan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo wata in ka badan 20-gaadiidka kala duwan ahi ay ka baxeen magaaladda, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku wajahan yihiin.

Inkasta oo muddooyinkii ugu danbeeyay ay ciidamadda Itoobiya ku wareejinayeen fadhiisimadooda Ciidamadda ka socda AMISOM,

Dhinaca kale Ciidamadda Itoobiyaanka ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale, iyadoo dadka deegaankaasi ay soo  sheegayaan inay ciidamadaasi wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay .

Al-Shabaab ayaa isha ku haysa dhaq dhaqaaqyada ciidamadda Itoobiya ku baneynayaan deegaanada gobolka, iyadoo xoogag taabacsan ay ku sugan yihiin deegaanada ay ka baxyaa Itoobiyanku, waxayna xoogaga Al-shabaab isu diyaarinayaan inay qabsadaan.

Salaanmedia/Mogdisho