Ciidanka Milatariga Ah Ee Xukuumadu Sheegtay Inay Nabada Degaanka Xariirad Sugayaan Oo Nin Muwadina Jidh-dil Ugu Geystay Deg. Darayadheere

news

Jul 25,2013 Xariirad(SM) – Wararka naga soo gaadhaya Deegaanka Xariirad Ee gobolka Salal ayaa sheegaya in ciidamada Birmadka iyo kuwa policka ee deegaankasi ku sugani ay dhaawac halis ah u gaysteen muwaadin beeroole ah deegaanka Daraydheere gaar ahaan deegaanka Jacfar.

Muwaadin magiciisa la yidhaahd  Axmed Muumin Badar ayaa la ildaran  dhaawacyadii ka soo gaadhay jidh dil ay ku sameeyeen ciidamaasi.

Warkan waxaa u xaqiijay xafiiska Boorama ayaa ilo wareedyo xog ogaal ah, kadib markii ay ciidamadu qabteen ninkan waxaa ay geeyeen saldhiga magaalada Xariirad inkastoo ayna cadayn ujeedada dhabtaa ee ninkan ay u jid dileen ciidamada deegaankaasi ku sugan.

Waxaa ay intaasi wararku ku darayaan in markii uu xaqiiqsaday taliyaha ciidanku ninkan muwaadinkaa ee magaciisa lagu sheegay  Axmed muumin Badar in dib loogu celieyey reerkiisii halkaasi oo ay baadhitaano ku sameeyeen gurigii uu dagaaa waqtigan falkan loo gaysanayeyna waxaa muwaadinkani uu ka soo laabtay deegaanka duduble waxaana uu waday AWR.

Intaasi ka dib waxaanu khadka telephoneka kula xidhiidhay  taliyaha ciidamka deegaankaasi Oo lagu magacaabo Cabdi Cabdilaahi waxaanan ugu horayntii waydiiyey waxa uu ka ogyahay dhacdadani ama ka jira waxaana uu si cad iigu sheegay in ayna jirinba dhacdadani intaasi ka dibna waxaa uu igu damiyey telephoneka waxaan marlabaad isku dayey inaan la xidhiidho telephonekiiba waa uu xidhan yahay.

Si kasba aha ahaatee dhacdadani ay ku keceeen ciidamada nabad ilaalinta u jooga deegaanka xariirad ayaa wax weyn ka badadlaysa hanaan socodka nabadeed ee deegaankaasi.

isla markaana jawaabta dhacdadan ayaa noqonaysa in ay maleegaan fal aargoosi oo nuucan oo kale ah in ay ku kacaan dadka uu ka dhashay Dhibane Axmed muumin hadii ay wax ka qaban waydo maamulka deeganakaasi dadkii falkan ka dambeeyey.

 

Salaanmedia/Boorama