DAAWO Gudoomiyaha Gobolka Sanaag iyo Duqa Ceerigaabo oo amaan u soo Jeediyay Boqor Buur Madow oo furdaamiyay Dil ka Dhacay Gobolkaas,iyo Boqorka oo dhaliilay Golaha Wada Tashiga Madaxa Banaan

Ceerigaabo 16.July (SM) Gudoomiyaha Gobolka Sanaag iyo Duqa Magaalada Ceerigaabo ayaa Maanta u Mahadceliyay Boqor Cismaan aw Maxamud Buur Madow oo Kaalin Mugleh ka qaatay hawl gal dhinaca amaanka ah iyo soo qabashada mid ka mid ah Gacan ku dhiigle ka Gaystay Gobolkaas fal dil ah.

Maamulka Gobolka Sanaag iyo Ka Degmada Ceerigaabo waxay Boqor Buur Madow ku amaaneen Sida uu ugu Hawl galay inuu Dawlada u Soo Gacan Gasho Gacan ku dhiigle Yuusuf Maxamed Axmed Shaadh Case oo Mudaba Baxsi ama Fakad ahaa,iyadoo ay Shirkaa Jaraa’id Goob joog ka ahaayeen Taliyeyaasha Ciidamada iyo Boqor Cismaan Aw Maxamud Buur Madow .

Salaanmedia/Ceerigaabo