Daawo Mucjisadan: Oday Gaboobay Oo 92 Jir Ah Oo Guursaday Gabadh 70 Sanadood Kayar, Loona Sameeyay Aroos La Isku Arkay

July 21, 2013 London(SM) – Oday waayeel ah Oo u dhashay dalka Ciraaq ayaa guursaday gabadh yar oo 22 sana jir ah ka dib markii Muuqaalada ay iska arkeen ka dibna isku qanceen. Ninka ayaa lagu magacaabaa Muslai Mohammed oo ah 92 jir waxaana uu guursaday Gabadh 22 jir ah Oo lagu magacaabo Muna Al-Jabouri. Muslai Maxamed oo muddo badan yeelan wax xaas ah gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii ay geeriyootay xaaskiisii ayaa sheegay in caruurtiisa ay u heleen waxa uuna yidhi “Waxaan ahaan keli tan iyo markii ay dhimatay xaaskeyga, mana jirin qof aan wax la wadaago, waxaana rabay in waqti fiican oo farxad badan aan qaato, hase ahaatee waxba ma helin, Illaah ayaa iminka ii keenay waan farxadeydii”

Salaanmedia/Hargaysa