Daawo Sawirada Qarax Xoogan oo Maanta lala eegtay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho

Gudoomiyaha gudiga maaliyada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, Xildhibaan Shiikh Adan Maxamed Madeer, ayaa la sheegay in uu lahaa gaadhiga lagu qarxiyay gudaha Suuqa X/weyne barqanimadii maanta.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in gaadhiga ay ka degeen Xildhibaan Shiikh Adan Maxamed Madeer iyo xaaskiisa xilligii qaraxu dhacayay hasa yeeshe uu ku jiray ruux iyaga la socday kaas oo dhaawac kasoo gaadhay qaraxa.

Gudoomiyaha Degmada Qaraxu ka dhacay, Cabdullahi Sahal Ger-dhuub, ayaa waxa uu sheegay in ay aaminsanyihiin in qaraxaasi uu ahaa mid horay gaadhiga loogu soo rakibay ama bac walxaha qarxa lagu soo guray oo ladhigay agagaarka gaariga maadaama meesha lagu qarxiyay aysan aheyn goob god wax lagu aaso laga qodi karo.

Cabdullahi Sahal Ger-dhuub, gudoomiyaha degmada X/weyne ayaa waxa uu sheegay in ay baadhitaan ku sameyn doonaan qaraxa si tafaasiil dheeraad ah ay uga helaan.

Xildhibaan Shiikh Adan Maxamed Madeer wali kama hadlin weerarka lagu qaaday iyo sida uu uga bad-baaday, waxaana goob joogayaashu sheegeen in durba markii qaruxu dhacay uu arkay gaadhigiisa oo gubanaaya .
Qarxaasi inta la’ogyahay waxaa ku dhintay hal ruux 7-ba kalana dhawac ayaa kasoo gaadhay kuwaas oo dhamaan la sheegayo in ay shacab ahaayeen.

Salaanmedia.com
Muqdisho Somalia