Dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Dagaaladii ka dhacay Kismaayo oo Tiradooda la shaaciyay (Warbixin)

news

Urur weynaha WHO ee Caafimaadka Adduunka, ayaa waxa ay gowr dhow daabacday warar ku saabsan Khasaarahii ka dhashay Dagaalkii ka dhacay Magaalladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qoraalka ay daabacday WHO yaa waxaa lagu sheegay in 71-Ruux ay ku dhinteen, in kabadan 300 oo qofna ay ku dhaawacmeen inta uu socday Dagaalkii Saddaxda maalin qaatay.

Sidoo akle, Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegtay in Dagaalkaasi ay ku barakaceyn dad aad u farabadan, ayna sii kordheyso saameynta dagaalladaasi ay ku yeelanayaan dadka rayidka iyo hay’adaha gargaarka.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in dhibbanayaasha badankood ay ka cabanayaan dhaawacyo ka soo gaaray madaxa iyo xabadka, 40 ka mid ah dhibbanayaasha ayaa qalliin lagu sameeyay sida ay sheegeyso WHO.

Ugu dambeyntii, WHO ayaa sheegtay in tirade dadka ku dhaawacmay ay aad u badan tahay isla markaana ku baaqday in laga baaran-dago in mar kale ay soo laab-laabtaan Dagaaladda.

Xafiiska Shabakada Salaanmedia.com
Muqdisho Somalia