Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Dawlad Hal Wasiira!!! By Abdurazak Ali ( Maano)

Dawlad Hal Wasiira!!! By Abdurazak Ali ( Maano)

Waxan aad u salamaya dhamaan bahda saxaafada iyo inta markasta u heelan inay no soo gudbiyaan ama naga haqab tiraan wixi war ah waayo horaa somalidu ugu maahmaahday ” War baa u gaajo kulul”, inta ka dib hadan uso dhaadhaco dulucda ama ujeedada maqaalkaygan oo an donayo inaan dhowr kalmadood ka idhaahdo arimo badan oo iga yaabiyey kuwaas ay xukuumadan haatan talada dalka haysa

ku dhaqmayso ama aad moodoba inay kala garan la dahay dawladnimo iyo dimuqraaadiyad iyo arin aad moodo inay tahay qof gaar u jeclaysi ama waxa afka qalad loo yaqano FAVORITISM aan bayaamiyo warkayga ma donayo inaan ku dheeraado dhowr jeero horena dad badan maqaalo uga qoreen ama saxaafada lagu so bandhigay ilaa hada waxan kala garan la ahay wasiirka madaxtooyada waxay tahay shaqadiisa sababtoo ah waxa moda inu noqday ONE MAN ARMY far kasto la taagayo wa ka kow , waxyaabaha aad ka loola yaabay waxaa ka mid markay noqoto hanaan dowladeed arimaha shaqada wa la kala leeyahay waa waxa gole wasiir loo magacaabay wasiir walbana shaqo gaara u leeyahay ama u qabto waxa igu kalifay manta inan maqaalkan ka qaro waxa weeye waxan akhriyey war sheegaya in ciidamo badan kaso goosteen maleeshiyada khatumo halkaso wafti kaga hortageen degaan Fiqi Fuliye ee degaanka nawaaxiga ceerigabo waftigaas o ka mid ahaaa wasiirka madaxtooyada, wasiirka warfaafinta hadaba muwaadin su aal ban isweydiyey ah arimaha ciidamada iyo wixi amniga la xidhiidha waxan moodayey inuu wasiirka daakhiligu ku shuqul leeyahay hawlaasoo kale, shalay bay ahayd marki wasiirka madaxtoodaya iyo wafti u hogaaminayo ay dalka turkiga kula kulmeen waftigi reer somalia su ashan is waydiyey waxay ahayd aaway wasiirki arimaha dibada hadanu joogin aaway wasiiru dawlihi arimaha dibada waayo waa wax khuseeya FOREIGN AFFAIRS

hadi jid la dhagax dhigayo ama dukaan meel laga furayo wasiir xirsi wu taagan yahay waxaad moda inay dawladuba tahay hal wasiir
muhiimada an uga socdaa waxay tahay igama aha shaqsi nacayb ama inaan wasiirk xirsi ku weerarayo lakin muwaadin ahaan waa arin aan u arko inay wadan ahan iyo maamul ahaan inagu cayb tahay iyo hanaan dimuqraadiyadeedba sababto ah wax system ah maba jiro waxan kuso gababeenaya maqaalkaygan dawladan talada haysaa haday sidan wax kusi socdaan dib baa lo noqonaya in badan wakhti dheerna way inagu qadanaysa dib uga so kabashada dib u dhaca waxa fican in wasiir kasta iyo wasaarad kasta shaqeedada u madax banaanaato ama u gudato.

Fiiro gaara: Waxan ka cudur daaranaya maqalkaygan inaanan ku weerareen shaqsi gara bal yahay Faalo guud.

Abdurazak Ali abdi dheere ( Maano)
Minnesota, USA




Leave a Reply