Beesha Habargidir oo ku dhaawaqday dagaal ka dhan ah Beesha Biiyamaal (DIR)

news-image1

Beesha Habargidir ayaa waxay si buuxda  ugu dhawaaqday dagaal ka dhan ah Beesha Biiyamaal (Dir) ee degta Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay xiisad ka soo dhex cusboonaatay muddooyinkaan dambe.

Billihii la soo dhaafay ayaa waxaa si weyn u soo kordheysay xiisada cakiran oo u dhaxeysa Beelaha Habargidir iyo Biiyamaal, waxaana xiisadoodaan laga dareemaayay qeybo kamid ah Deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Imaamka Beesha Habargidir Imaam C/Laahi Khaliif, oo Warbaahinta Magaalada Muqdisho la hadlay, ayaa wuxuu si buuxdo uu ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Beesha Biiyamaal, ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Imaamka ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Beesha Biimaal, (Dir)ay kordhisay daan-daansigeeda ka dhanka ah buu yidhi Beesha Habargidir, isagoo intaasi ku daray inay marar badan ka xishoodeen, balse wuxuu sheegay inay taasi garan weyday.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay kaga ashtakoodeen Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hogaamiyo, laakiin wuxuu sheegay inay Dowladdu waxba ka qaban weyday.

Beesha Habargidir ayaa wuxuu sheegay inay ku qasbanaatay inay iska qabato, oo ay la dagaalanto Beesha Biiyamaal, wuxuuna ku goodiyay inay la dagaalamaan si toos ah.

C/Laahi Khaliif Imaamka Beesha Habargidir, ayaa wuxuu Dowladda iyo Beesha Biimaal uu u sheegay, inay masuuliyadeeda qaadi doonaan, wixii natiijo ah oo ka dhasha dagaalada uu iclaamiyay inay ku qaadayaan,

 

Maxamuud Cabdi Yuusuf

Salaanmedia/Mogdisho