Home Wararka Ergayga Midowga Afrika Ee Somaliya Oo Madaxwayne Xasan Kala Hadlay Xaaladda Kismaayo

Ergayga Midowga Afrika Ee Somaliya Oo Madaxwayne Xasan Kala Hadlay Xaaladda Kismaayo

Ergayga Midowga Afrika Ee Somaliya Oo Madaxwayne Xasan Kala Hadlay Xaaladda Kismaayo

(SM-Muqdisho) – Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya  Ambassador Mahamat Saleh Annadif  ayaa wadahadal uu la yeeshay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xassan Sheekh Maxamuud iyo Raysalwasaare Saacid kala hadlay xaalada Magaalada Kismaayo.

Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa sheegay in Midowga Afrika iyo ciidamada AMISOM ka shaqeynayaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen gargaarka loo fidinayo shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo oo ay dhibaatooyinku soo gaadheen.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay heegan ugu jiraan sidii ay dowlada Soomaaliya kala qeyb qaadan lahaayeen sugida amaanka dhamaan deegaanada loo xilsaaray AMISOM inay ka hawlgasho.

Ambassador Mahamat Saleh ayaa sheegay in markale uu ku celinayo in xaalada magaalada Kismaayo xal nabadeed oo siyaasad ah laga gaadho isla markaana ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo ay gargaar caafimaad iyo mid bini’aadamnimo u fidiyeen dhamaan dhaawacyada dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Kismaayo.

Hadalkan, ayaa lid ku ah qoraalka dawladda Somaliya u gudbisay Kenya isla-markaana ugu sheegaysay in ciidameeda magaca AMISOM ku joogaa ay dhibaateeyeen shacabka Kismaayo isla-markaana masuul ka ahaayeen dagaaladii halkaasi ka dhacayey toddobaadkii u dambeeyay.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay heegan ugu jiraan sidii ay dowlada Soomaaliya kala qeyb qaadan lahaayeen sugida amaanka dhamaan deegaanada loo xilsaaray AMISOM inay ka hawlgasho.

Ambassador Mahamat Saleh ayaa sheegay in markale uu ku celinayo in xaalada magaalada Kismaayo xal nabadeed oo siyaasad ah laga gaaro isla markaana ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo ay gargaar caafimaad iyo mid bini’aadamnimo u fidiyeen dhamaan dhaawacyada dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Kismaayo.

Salaanmedia/Hargaysa