Fadeexadii Ka Ganacsiga Dadka ee Dhexmartay Somaliland iyo Denmark 1997-kii.

Sool
Taariikhdu waxbay Hagtaa, Dadkuna wuu haybiyaa…..Ku dhawaaqidii Qaranimada Somaliland ee 1991-kii oo ku Beegantay Xilli ay Qaxoonti fara badani Dunida Qarqiyeen siiba Qaxoontigii Somaliland iyo kii Somalia ayaa wax ka bedeshay Siyaasadii Qaxoontiga ee Europe. 
Isla markiiba Denmark iyo Sweden ayaa ku dhawaaqay in aanay Qaabilidoonin, Sharcina Siin-doonin Qaxoontiga ka soo jeeda Somaliland. 
Labadaa Dal ayaa Qorshe Qarsoodi ah oo aanay soo Shaacbixin watay oo isna ahaa in ay Somaliland u Isticmaalaan Meel in ay ku soo Daadiyaan Qaxoontiga Soomaaliyeed oo dhan ee ay Xeryaha ku hayaan, kaa soo meel ay u Masaafuriyaana aanu jirin oo Dunida oo dhan laga Diiday. 

Dawladii Denmark ee 1997 oo Xukunka ka lawareegtay 92/93 Dawlad Konservative ahayd, ka Dib markii ay ku soo baxday Fadeexad ku saabsanayd ku-xadgudub sharci oo loo gaystay Qaxoonti reer Srilanka ahaa.(Tamil). 
Sanadkaa 1997 oo Doorasho-na soo dhaweyd ayaa Qadiyaddii Qaxoontigu noqotay mid Ololaha Doorashadda lagu galo oo ay ku Hirdamaan Xisbigii Taladda hayey ee Social Democraatigu iyo Xisbiyadii garabka midig ee mucaarid ka ahaa. 
Dawladii uu hoggaaminaayey Madaxweynihii Geeriyooday M. Ibrahim Egal Sannadkii 1997 iyo Dawladii Denmark ee uu Talada u hayey Xisbigii Social Democrati-gu, ayaa ku heshiiyey in Qaxoontiga u dhashay Somaliland ee Sharciga looga diido Denmark in lagu soo celiyo Dalkooda, Somaliland-na Jeebka loogu shubo lacag dhan 53 million oo ah Danish krone (8 million Dollar), Iyada oo lagu magacaabayo Mucaawino iyo Dib- u- dejin loogu deeqayo dadka la soo celinaayo. 

Heshiiskii oo aan dhaqan galin ayaa Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ee Denmark ka war heleen oo Talo Faro ka haaday arintiina cirkaa ku shareerantay.

 
Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ayaa Xisbigii Dawlada hayey ku Canbaareeyey in uu Heshiis la galay Binu-aadan-nimada ka dhan ah Maamul yar oo ka dhisan meel Colaadi ka oogantahay, kuna Shaabadeeyey heshiiskii magac ah KA GANACSIGA DADKA. 
Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ayaa iyaga oo ka Duulaaya Qodobo Sharciya yidhi 50 Qof oo Qaxoonti ah oo lagu celinaayo Dalkoodii ayaa lagu kala iibsanayaa 53 million oo krone ……Garo oo Qofkiiba Waa 1 million oo krone. 

Qorshihii Dadka Qaxoontiga ah Dayuuradaha lagaga Daadinaayey dacalad Madaarka Hargaysa. 

Dawladii Denmark ayaa bilawday Qorshe Tuugo ah oo ay ku Masaafurinayso Qaxoontigii Somalida, Dhawr Qof ayaa la qaaday iyada oo la sii mariyey Nairobi. 

Nairobi-na laga saaray Dayaaradu fudfudud, ka dibna lagu daadiyey Dacalada Madaarka Hargaysa. Dayuuradaha oo marka ay dadka daadiyaan si deg-deg ah u duulaayey ayaa Maalin maal maha ka mid ah si Qaflad ah lagu qabtay Dayuurad siday dhawr Qof oo Qaxoonti ah doonaysayna in ay daadiso oo deg deg u laabato iyada oo aan laga war-helin. 

Qabashada Dayuuradaa ayaa sheekadii Qarxisay…..Qorshihiina fashilisay iyada oo Warka Madaxdiisii uu ka dhigay TV-gii Denmark. 

Warkii TV-ga Danish-ka……Seddex Sarkaal oo sare-sare oo laba tahay Ciidanka Police-ka Denmark midna ka socday Wasaaradda arimaha Gudaha ayaa saaka Gacanta uga galay Maamul yar oo ka dhisan Dhulka Colaaduhu ka holcayaan ee waqooyiga Somalia. 
Maamulka oo uu Hogaaminaayo Qabqable Dagaal ayaa sheegay in Dayuuradu ku soo Xadgudubtay Hawadooda ( Somaliland), sifo Tuug ahna ku keentay dad Qaxoonti ah. 
Qabashada Dayaaradaa iyo Masuuliyiintii la socotay oo Xamaasad weyn oo Siyaasi ah ka abuurtay Denmark, ayaa aad u dhiirigalisay in la-galo Heshiiskan ah in Dad iyo Duunyo la isdhaafsado, ka dibna la siidaayo Dayaaradii iyo Masuuliyiintii lagu hayey Hargaysa. 
Cadaaddiskii Dawlada Denmark kaga imanaayey Dadweyhihii Danish-ka ahaa, Xisbiyadii Mucaaridka iyo Garyaqaanadii ku takhususay Sharci samaynta…..iyo waliba Sharci ilaalinta ayaa ku Khasbay Dawladii Denmark in ay IS-CASISHO, haddii aanay Heshiiska runta ka sheegin Sharcigana Waafaqsiin. 

Markaa ayaa hadaba ay Dawladii Danish-ku arintii xoog saartay iyada oo Wafti Balaadhan Hargaysa u dirtay oo la soo xaajooda Maamulkii Somaliland.Suxufiyiin waaweyn oo ka socday TV-GA Denmark iyo Wargayska Politiken oo Raacay Waftiga ayaa warka toos uga soo diraayey Qasrigii Madaxweynaha ee Hargaysa.Wasiirkii arimaha Gudaha ee Denmark Miss, Birthe Weiss ayaa TV-GA laga soo saaray iyada oo khadka Telephonka 12 saacadood si toos ah u gala Xaajoonaysa Madaxweynihii Geeriyooday M. Ibrahim Egal 

Madaxweyne Egal Alla ha u naxaristee oo markii hore ku Giijiyey Danish-ka Ayaa Aakhirataankii Badbaadiyey Dawladii Sii-dhacaysay ee Denmark, markii uu Saxaafda Caalamka u sheegay in Mucaawinadan la siinayaa iyo Qaxoontiga la soo celinayaa aanay isku Xidhnayn. 

Taasi se Dhacdo Diplomaasiya oo dhexmartay Marxuunkii iyo Dawladii Danish-ka ee Qiiraqiirada ku jirtay bay ahayd, heshiiskiina, halkaa ayuu ka sii socday iyada oo si dadban uu Danish-kii u fuliyey, Somaliland-na Qayb libaax ka Qaadatay Lacag dhamayd 120 million oo krone (18 million Dollar) oo Somalia oo dhan loogu Tala-galay.14 Muwaadin oo Qaxoonti Somalilander ahna sifo Qasab iyo Jujuub ah loogu soo celiyey Hargaysa 

Raadkii Fadeexadii ka tegtay, Wasiiradii iyo Masuuliyiintii kale ee ka Qaybqaatay Fadeexada labada dhinac-ba, marka laga reebo labadii Madaxweyne. 

1-Marwo, Birthe Weiss…..Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha ee Denmark oo ahayd Xuduntii Fadeexada dhinaca Denmark. 

2- Mudane, Abdillahi Darawal….Wasiirkan Dib-u-dajinta ee S/land ayaa isaga iyo Wasaaradiisuba yihiin Xuduntii Fadeexada dhinaca Somaliland 

3-Mudane, Jens Rasmusen…..Sarkaal sare oo ciidanka buliiska Denmark ka tirsanaa oo Shaqadii laga fadhiisiyey. 

4-Marwo, Nina Holbeck….. Gabadh da’ yar oo ahayd Siyaasiyad Xisbigii Social Democratiga u Qaabilsanayd Arimaha Qaxoontiga oo iyana is-casishay. 

5-Mudane, Bashiir Haji Hassan Geele….. Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada dib u-dajinta. ahaana waftigii Denmark loo soo diray. 

6-Mudane, Oomane….wasiirkii hore ee Kaluumaysiga, ahaana Waftigii Denmark loo soo diray 

Waxa kale oo Waftiga loo soo diray Denmark la socday oo Arinta Goobjooge ka ahaa Mudane, Ali Jirde oo ahaa Danjirihii Scandanavainka u Qaabilsanaa Somaliland iyo Somalia.. 

Hadaba iminka waxaan ogaanay fahamnayna Kaartooyin Qarsoonaa oo habab Duwali ah loo Adeegsaday, laguna Dulmiyey Muwaadiniintii Laga soo Celiyey Denmark oo ilaa iyo iminka Xuquudoodii ku maqan tahay Wasaarada dib-u-dajinta S/land. 

Lacagta Denmark ku bixisay Heshiiska, laba waji ayey kala ahayd, Waji waxa uu ahaa Mucaawino Guud oo Dalka la siiyey, wajina waxa uu ahaa lacag loogu tala galay Qaxoontiga la soo celinaayo oo loogu dhiibay wasaarada dib-u-dajinta S/land , Sidaa waxa caddaysay ….. Waaxda xisaab celinta ee Deeqda debedaha u Qaabilsan Wasaarada Maaliyada ee Denmark. 

By: Osman Abdillahi Sool. Freelance Journalist….sooldhuub@hotmail.com Copenhagen