Fanaanka Caanka ah ee Xasan Maxamed C/rahmaan (Aar-maanta) oo Maanta Gagida Diyaaradaha ee Garaad wiil-waal international Airport si wayn loogu soo Dhaweeyay.

Fanaanka Caanka ah ee Xasan Maxamed C/rahmaan (Aar-maanta) oo Maanta Gagida Diyaaradaha ee Garaad wiil-waal international Airport si wayn loogu soo Dhaweeyay.

Jigjiga(SM) Talaado July 30,2013.Waxaa maanta Garoonka diyaaradah ee Garaad Wiil-Waal International Airport si wayn loogu soo dhaweeyay fanaanka caanka ee da’da yar oo ka mida Qurbajoogta ka soo jeeda ama u dhalatay DDSI Xasan Maxamed C/rahmaan oo ku magac dheer aar-maanta.

Fanaanka ayaa Waxaa Saaka si heer sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee madaarka jigjiga masuuliyiin sar sare oo ka Tirsan xukuumada DDSI masuuliyiintaasi oo ay ka mid ahaayeen madaxwayne ku-xigeenka DDSI ahna hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada mudane C/laahi Yuusuf Weerar,wasiirka Madaxtooyada DDI mudane C/casiis Maxamed Cabdi, maareeyaha wakaalada Qurba joogta mudane c/bari maxamed macali, 2ku xigeen ee wakaalada qurba joogta,wasiirka tababarada iyo xirfadaha DDSI mudane maxamed faatax maxamed, mayorka magaalada jijiga mudane Suldaan Maxamed Xasan, Wakiilka Xafiiska Qurbajoogta DDSi Mudane Bashiir,maareeyaha wakaalada warbaahinta mudane cabdiwali iyo waliba qaarka mid ah qaraabada fanaanka.

Ka dib Soo Dhawayntii,Ubax ugalintii,Salaantii laabta,kaftankii,iyo Fikradii fanaanka Dalku wuu dhismay iyo Neecaw macaanaa iyo Dhambaaladii iyo Qaabilaadii ehelka fanaanka ayaa waxogaa uu ku hakaday qolka Nasashada ee Madaarka. Fanaanka ayaa isagoo ay shucuurtiisu aad u kacsanayd una qiiraysan oo indhihiisa wakhtigaa lagu hubay Ilmo iyo boholyow ayaa saxaafada u sheegay in uu aad uga mahadcelinayo soo dhawaynta kalgacal ee loo fidiyay Madaxda sare ee xukuumaduna isugu xilqaantay soo dhawayntiisa Jigjiga iyo Addis-ababa.

Aar-maanta ayaa sidoo kale aad ugu riyaaqay Horumarka iyo isbedelada Kobaca dhaqaale ee ay xukuumada maantu ka taabogalisay guud ahaan deegaanka Mudo gaaban laguna amaano madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo xukuumadiisaba Doorka Xidhiidhada Dalka Dibadiisa iyo Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee 5ta qaaradood iyo Guulaha ay ka gaadhay Horumarka,N/galyada iyo Maamaulka Suuban.

Fanaanka isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ku soo noqday dalkiisa hooya wuxuuna sheegay in wakhtigii ugu danbaysay jijiga ayna haysan ka jirin horumarka maanta ka taam yeelay guud ahaanba deegaanka Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna hogaanka N/galyada Maamulka iyo Cadaalada mudane C/laahi Yuusuf Weerar oo ka hadlay soo dhawayntii fanaanka ayaa sheegay in si wayn ugu faraxsan yahay in ay deegaanka ku soo qul-qulaan dad magacwayn ku leh guud ahaanka caalamka iyo Dalkaba,xukuumadana ay ka go-antahay in ay siwayn ugu soo dhawayso dadka u dhashay deegaanka ee ku soo noqonaya deegaankooda ee ay wakhtigii hore ka kaxeeyeen duruufihii ka jiray guud ahaanba dalka.

Sidoo kale Wasiirka xafiiska madaxtooyada DDSI mudane c/casiis maxamed cabdi ayaa waxa uu sheegay in dadaalkii dheeraa ee ay xukuumadu la yeelatay qurba joogta DDSI ee ku sugan daafaha aduunka ay tahay tan keentay in ay ku soo noqdaan deegaankooda badan oo magacwayn ku leh caalamka sida ganacsato waawayn fanaaniin badan oo u dhalatay deegaanka iyo shaqsiyaad magac iyo sumcad ku leh caalamka siwayna uu ugu faraxsan yahay in ay maanta garoonta diyaaradaha ku soo dhaweeyaan fanaanka caanka ah ee xasan maxamed c/rahmaan aar maanta.

Salaanmedia/Jig-jiga