Odayaasha,Dhalinyarada,aqoonyahanka ku nool cariga Ingiriiska waxa ay aad ugu mahadcelinayaan Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland ahna gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) xalintii khilaafaadkii ka dhacay degmada Gashaamo ee dawlad degaameedka Soomaalida Ethiopia arinkaas oo uu si weyn wax uga qabtay,iskuna hawlay sidii arinkaa losoo afjari lahaa.
Cismaan Xaaji Jaamac oo ka mid ah odayaasha aadka looga yaqaano UK iyo Gudahaba waxa uu fariin uu nasoo gaadhsiiyey uu yidhi” Aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa aniga iyo dhamaan dadka hoos ku xusan sida wanaagsan ee uu ka yeelay kana qayb qaatay xal u helidii shaqaaqadii dilka ahaa ee ka dhacay degaanka Gashaamo oo uu tagay iskuna hawlay isaga oo ay shaqo badan u taalay uu ka doorbiday in uu tago degaanka oo uu xal u helo arinka ka dhacay degaanka Gashaamo,Waxa aanu ku leenahay mudane Cabdiraxmaan dadka degaanka degan iyo kuwa qurbaha ku noolba wey kaa warhayaan dedaalka aad ugu gurmatay in aad shaqaaqadii ka dhacday Gashaamo aad xalinteeda qayb weyn ka qaadatay. Ilaahayna hakaa ja’saai siiyo waana bil Ramadaan.
Waxa kale oo ay amaan taas la mid ah usoo jeediyeen dhamaan dadkii ka qayb qaatay xalinta arinka iyo dadkii isku hawlay in lasoo afjaro xurgufta dhacday.
Waxa kale oo uu Xaji Cismaan Xaaji Jaamac uu soo dhaweeyey kulankii iskaashiga ahaa iyo heshiiskii ay kala saxeexdeen labada xisbi qaran ee WADDANI IYO UCID. isaga oo ku sheegay in ay wax weyn ka badali doonto horumarka dalka iyo in la helo mucaarid jiho kaliya ka duula aadna waanu u soo dhaweynaynaa.
Marlabaad aad ayaan dhamaantayo kuugu mahadnaqaynaa arinkaa booqashada degaanka Gashaamo iyo dhamaan dedaalka aad sameysoba.Waxa halkan ku xusan magacyada dadka ku qoran ee fariintan u diraaya gudoomiye Cabdiraxmaan.
FADLAN HOOS KA AKHRI MAGACYADA.
CISMAAN XAAJI JAAMAC ABOKOR
XAJI CALI DHAGAWEYNE
CABDICASIIS AADAN GALAB
CABDI XASAN YUSUF (COLUJOOG)
ADAN XIRSI FAROOLE
MAXAMED XASAN JAMAC (QUULE)
MAXAMED C/LAHI DHAGAYARE
MAXAMED QAWDHAN AHMED (YOOLAC)
ISMACIIL XAJI IBRAHIM
MAXAMED XAAJI CAWIL
SICIID XAAJI CAWIL
MAXAMUUD FARAX CABDI (DHEEG)
SACAD MAXAMED QAWDHAN
MAXAMED CASEYR
IBRAHIM MAXAMED AHMED (IBRAHIM RASHIID)
SICIID YUSUF XAJI MAXAMED (SICIID XAMARI)
HUSEEN YASIIN
KHALID MAXAMED AHMED
ENG.DAYIB XAJI AHMED QULUMBE
MUSTAFE CISMAAN TUURQUDHUN
CABDI DAAHIR CABDI (CABDI BACOW)
CABDI MAXAMUUD AHMED
CABDI CISMAAN JAMAC
CABDI SICIID JAMAC
MAXAMUUD HUSEEN ILEEYE
DR MAXAMED IBRAHIM
CABDI WELI YALAS
KOOS MAXAMED CALI
DEEQA SICIID MAXAMUUD
FOOSIYA SICIID MAXAMU
RASHIID MAXAMED ISMACIIL
XAMSE AHMED SALAAN
WARSAMA SICIID MAXAMUUD
AHMED CAYNAANSHE
MAXAMED AHMED KULUC
MAXAMUUD FAGADHE DAKHARE
AHMED KAYSE
SICIID CUMAR AHMED
RASHIID QAAWANE
SACAD MAXAMED QAWDHAN
MAXAMUUD CASEYR
CIISE MAXAMED KAHIR
HUSEEN DHALLIN
ISMACIIL XANDULE YUSUF
C/CASIIS JAMAC XAAD
Salaanmedia/London