Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo u ogolaaday Dowlada Somaliya inay qalab militari lasoo degto(Warbixin Dhinacyo badan taabanaysa)

news-image1

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay warbixintii ay soo gudbiyeen Guddiga kormeerka Cunaqabateynta Saaran Soomaaliya iyo Eriteraya, waxaana sidoo kale looga hadlay hawlgalka Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Amaanka ay si wadajir ah u cambaareeyey hubka sida qarsoodiga ah weli ugu qul qulaya dalka Soomaaliya, iyadoo muddo 1 sano ah loogu daray guddiga Kormeerka Cunaqabateynta oo ka kooban khubaro ajaanib ah, waxaana wakhtiga loogu daray illaa dhamaadka sanadka soo socda ee 25ka Bisha November 2014.

Dhinaca kale Golaha Amaanka ayaa u fasaxay dowlada Soomaaliya in illaa 6da bisha 3aad 2014 ay lasoo degi karaan qalabka Militariga marka laga reebo hubka mamnuuca ah, iyo waliba in tababaro militari loo fidin karo ciidamada Dowlada gudaha dalka Soomaaliya.

Hubka weli ka mamnuuca ah in dowlada ay lasoo degto ayaa waxaa kamid ah Gantaalada, Madaafiicda Goobta, Hoobiyayaasha culus, Qaar kamid ah hubka daraandooriga u dhaca, Qalabka Araga ee dagaalka habeenka loo adeegsado iyo hubka lidka Taangiyada.

Waxaa sidoo kale looga hadlay xayiraada la saaray dhoofinta Dhuxusha oo horey loo sheegay in dakhli kasoo galo kooxda Al Shabaab, iyadoo warbixintii ay Guddiga Kormeerka u gudbiyeen golaha Amaanka lagu sheegay in Al Shabaab lacag gaareysa 25 milyan oo dollar ka heshay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Warbixinta Guddiga Kormeerka Qaramada Midoobay ee loo gudbiyey Golaha Amaanka ayaa lagu yidhi:

“Hadii ay sii socoto jarida dhirta iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya waxaa hubaal ah in dhul badan oo kamid ah Soomaaliya uu noqonayo Nabaad-guur, iyadoo sanadkii 2012-2013 dhirta la jaray gaari karto 10.5 milyan oo dhir ah, dhirtaasi oo baaxadeeda gaari karto 1.750 square kilometers, taasi tusaale ahaan cabirkeeda u dhiganta dhul la eg magaalada Houston ee gobalka Taxes oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalka Maraykanka….

Salaanmedia/Mogdisho