Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo Soo Dhaweeyay Midowgii Labada Xisbi Mucaarid

 

July 25, 2013 Hargeysa(SM) – Hadii aanu nahey Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Waxaanu si diirana u soo dhaweyneynaa Heshiiska labada xisbi mucaarad Shaley Ku Gaadheen magaalada Hargeysa gaar ahaan Hotel Ambassador.

Warsaxaafadeed: uu ku Saxeexan yahay Gudoomiyaha Golaha Wadatshiga iyo Toosinta Qarankan Muj: Xasan Guure Jaamac ayaa lagu Sheegay in Golahoodu uu soo dhawaynayo Baaqii iyo Talooyinkii ay jeediyeen ee aheyd in sida ugu dhakhsaha badan laysugu yimaado TALO LOO DHAN YAHEY

Waxaanaanu Qabnaa inay Tahey Wadada aynu ku xalin karno dhibaatooyinka ina horyaala,Somalilandna ay ku Caana maalikarto

Ugu Danbeyntii Waxaanu labada Xisbi Mucaarad ku dhiiri galineynaa iney la yimaadaan Qorshe Cad oo Siyaasadeed Oo Wadankan waxa inaga khaldan aynu ku sixi karno Si aynu cagta u saarno Dariiqa Toosan oo ummadan Gaadhsiiya Ictiraaf,Horumar iyo Badhaadhe

Gudoomiyaha Golaha Wadatshiga iyo Toosinta Qarankan

Xasan Guure Jaamac