Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo Sheegay Inay Yihiin Gole Sixitaan, Xukuumaduna Tafsiir Qaldan Ka Bixisay

Golaha1-378x180
Golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ee todobaadkii hore ay xubno ka mid ahaa hogaamiyayaashii ururkii SNM ee dalka xoreeyay kaga dhawaaqeen Hargeysa ayaa sheegay inaan laysku qaldin xilka golayaasha qaranka iyo golahooda ay ku dhawaaqeen, oo ay sheegeen inuu yahay gole sixitaan iyo talo bixin k samaynaya xaaladaha dalka la soo darsa, isla markaana meesha ka saaray in xisbi siyaasadeed iyo gole siyaasadeed midnaba aanay ahayn. Golaha wadatashigu waxa kale oo ay sheegeen in nuxurka gole uu ka da’weyn yahay magacyada golayaasha dawlada, isla markaana golahoodu uu ka turjumayo xuquuqda distoorku u siiyay muwaadiniinta in si madaxbanaan ay fikradahooda u cabiraan. Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed golaha wadatashigu xalay soo saaray,

kaas oo uu ku sexeexnaa Mujaahid Xasan Guurre, oo nuqul ka mid ah ay soo gaadhsiiyeen wargeyska Haatuf, ayaa isagoo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:-

“Golaha Talobixinta iyo Toosinta Qaranka
Ujeedo: War-Saxaafadeed Caddayn Nuxurka Golaha

Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Waxaanu Ummada Somaliland meel kastoo ay joogto leenahay Ramadaan kariim
Waxaa shir dheer oo Xubnaha Goluhu isugu yimid laga maarmi waayey in aan mar labaad shacabka sharafta iyo qadarinta leh ugu celino nuxurka Golaha wada-Tashiga iyo Toosinta Qaranka Kelmada GOLE waa erey ka da’ weyn dhismaha dawaladda aynu iminka naqaano, oo Somaalidu soo isticmaalaysay wakhti aan dawlad ba la aqoon. Tusaale: Gole Geel-jire, Gole ciyaareed, Gole wada hadal, Gole colaadeed, Gole nabadeed, iyo Gole xidid iyo Gole Diineed.

Iminkana waxa loo isticmaalaa Golaha Salaadiinta , Golaha Cuqaasha, Golaha Suugaanta iyo Golaha Barayaasha. Sidaa darteed, waxa hadalka Xukuumadda ka muuqday inay dadweynaha sifo khaldan ugu dhigeysay , taas oo aanu ku sharaxnay ereyga GOLE isticmaalkiisii hore iyo kan dambeba. Golayaasha Qaranka ee Dastuurku jideeyey waa seddex: 1) Golaha Xukuumada, 2) Golaha Wakiilada iyo 3) Golaha Guurtida, midna maanaan sheegan. Xisbi Qaran maanaan sheegan, ee waxanu nahay Muwaadiniin talo aanu isleenahay wax bay u tareysaa Dalka iyo Dadka u soo jeediyey, sida Dastuurku xaqa u siiyey inuu fikirkiisa cabiri karo.
Sida darteed, waxaanu Ummadda Somaliland u sheegeynaa nuxurka Goluhu waa waxa ha la saxo, waana waxaynu wada leenahay dhamaanteen oo u baahan inaynu ka wada tashno marka ay timaado kale duwanaansho fikir iyo aragti ku salaysan xaguu …..Waddanku u socdaa ma tahay wadadii guusha? Waxanu Mar Labaad Caddeynaynaa Inaanu Golahanu Ahayn Gole Ku Jira Tartan Siyaasadeed. Nuxurkuna Waxa Weeye Inaynu Wixii Khaldan Ku Dhameysano Talo Loo Wada Dhanyahay Oo Hareeraha Laga Wada Joogo, Sidii Somaliland Ku Caano Maashay Loo Adkeeyo Midnimadeena.,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
Alla Mahad Leh, Waa Inoo Toosin Iyo Turxaan Bixin Inshaallah.,,,,,,,,,,,,,,,,,FAHAN OO FIIRSO LABADA GUDI EE SOOMAALIYA IYO SOMALILAND