Guddida Qaban Qaabada Soo Dhawaynta Wasiirka Khaarajiga Oo Iclaamiyay Wakhtiga Uu Imanayo

(SM:Hargaysa)    Guddiga qaban qaabada soo dhawaynta wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si rasmi ah u shaaciyay wakhtiga uu wasiirka cusubi dalka imanayo.

 

Guddigu waxay sheegeen in wasiirka cusubi Hargeysa iman doono Axadda soo socota oo ay taariikhdu tahay 21 Julay, waxaanu diyaarad toos ah ka soo qaadanayaa magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya oo uu hadda ku suganyahay.

Guddigu waxa kale oo ay sheegeen inay dib u dhaca wasiirka cusub sabab u ahaayeen xilalkii uu ka hayay Qaramada Midoobay oo uu wareejinayay iyo soo guuritaankiisa, waxaanay bulshada reer Hargeysa ugu baaqeen inay si diiran u soo dhaweeyaan Wasiirka oo 9:00 subaxnimo ee Axadda ka soo degi doona madaarka Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa.

Salaanmedia/Hargaysa