Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Gudida Diiwaangelinta Axsaabta Oo UCID Ka Dalbaday In Ay Xil Ka Qaadis Ku Sameeyaan Guddoomiyahooda Faysal Cali Warabe

Gudida Diiwaangelinta Axsaabta Oo UCID Ka Dalbaday In Ay Xil Ka Qaadis Ku Sameeyaan Guddoomiyahooda Faysal Cali Warabe

July 20,2013 Hargaysa(SM) Guddida Diiwaanglinta Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in aanu ciyaalesharci haysan Goihii dhawaan hargeysa lagaga dhawaaqay, waxaanay xuseen in uu Mamnuuc ka yahay Dalka.

Xubnaha guddidu waxa kale oo ay Xisbiga UCID ka dalbadeen in ay Maamuus ka xayuubin ku sameeyaan Guddoomiyahooda Feysal Cali Waraabe, kaasoo ay ku Eedeeyeen in uiu ku biiray Gole siyaasadeed oo sharci darro ah, iyagoo ka codsaday in ay jawaab deg deg ah uga fadhiyaan.

Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta Siyaasaddu waxa ay war-saxaafadeedkooda ku sheegeen in dalka lagha ogol yahay Golayaasha iyo Axsaabta Siyaasadda ee Dastuurka iyo shuruucda ka farcamaa jideeyeen, balse aan la ogolayn cid kale oo isku abaabusha kooxo siyaasadeed, sidaas daraadeed uu sharci daro yahay Golaha wadatashiga iyo Toosinta Qaranku.

Go’aanka Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta siyaasadda ayaa u muuqda mid ka shiidaal qaadanaya canbaaraynta Xukuumadda Somaliland la daba taagan tahay Golahaas Dalka lagaga dhawaaqay, kaasoo Sas ay ka qaaday u adeegsatay in ay ka difaacaan Dadweyne iyo Hay’addo kale oo borobagaando suuqa u gelinaya Golahaasi.

Xubnihii Siyaasiyiinta eek u dhawaaqay Golaha Wadatashiga ayaan ilaa hada wax jawaab ah lagha haynin iyadoo Xukuumaddu warbaahianta maalin kasta dhaliilo ugu soo jeedinaysa.

Salaanmedia/Hargaysa

source Waaheen




Leave a Reply