GUDOMIYAHA QURBAJOGA SOMALILAND EE EU ABDIRAXMAN UBAXLE OO GUUL KU TILMAAMAY JOOJINTA QAADKA EE UK

 

imageBirmingham(SM)salaan qiimo badan ka bacdi waxaan bulshada Somaliyeed guud ahaan gaar ahaana Reer Somaliland ee ku nool wadanka ingiriiska

uguhambalyeynayaa hadalka ka soo yeedhay madaxa Home Officeka UK ee lagu joojiyey cunista iyo ka ganacsiga Qaadka ee wadankan ingiriiska.

 

Sida aynu la socono Qaadku wuxuu Bulshada Somaliyeed ku hayaa dhibaato aad u weyn oo saamayn xun ku yeelatay noloshooda dhinac kasta sida, caafimadka, horumarka, iyo wada jirka qoyska wuxuuna noqday dhibaato kula deristay oo maaro loo waayey maadaama oo bulshada Somaliyeed ay wax iska caadiya u arkaan qaadka oo weligii ku lamaanaa nolosha qoys kasta oo Somaliyeed, dhibtan qaadka oo culays gaara ku haysay dadka qurbaha ku nool ee noloshoodii kale la tacaalaya si ay uga badbaadaan duufaanada dhaqan xumo iyo diin la,aaneed ee ay la deriska yihiin ayaa maanta ay farxad u tahay joojinta Qaadku.

 

Hadaba anigoo la qaybsanaya walaalahayga Somaliland farxada dabargoynta Qaadka ayaan ku guubaabinayaa inay arintan taageero buuxda u muujiyaan qurbajooga reer Somaliland ee UK si aynu u badbaadino walaaleheena uu Qaadku ku keenay dibu dhaca iyo caafimaad xumida, intii cuni jirtay ee uu dibu dhaca ku keenayna waxaanku dhiiri gelinayaa inay isu diyaariyaan siday uga soo kaban lahaayeen boogihii uu kaga tegey oo aanay isku mashquulin doondoonkiisa.

 

Wa bilaahi tawfiiq

Dr. Abdiraxman Ali Ubale

Gud. Qurbajoga Somaliland ee EU

Birmingham UK