Gudoomiyaha Cabdiraxmaan Ciro ayaa u muuqda Siyaasi si taxadir leh inta badan iskaga ilaaliya hadalda Dhaliilaha Culus Xambaarsan

waddani

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi(ciro), ayaa u muuqda Siyaasi si taxadir leh inta badan iskaga ilaaliya hadalda Dhaliilaha Culus Xambaarsan iyo kuwa Weerarka ah ee ay inta badan adeegsadaan Siyaasiyiinta Somaliland kuwaas oo la Isu mariyo Warbaahinta kala Duwan ee ka Howlagala dalka Somaliland, iyadoo Weerarada noocan ah ee aynu ka hadleynaa had iyo jeer banaanka Soo dhigaan Caadifiyada iyo Muga dulqaad iyo damiir ahaan Masuuliyiinta lagu qiimeyn karo hogaamintooda.
Sanadihii u dambeeyay waxa caado u noqotey Qaar badan oo kamid ah Siyaasiyiinta isu dhiga in ay yihiin Hurmoodka Hogaaminta Bulshada in ay caado ka dhigtaan hadalo turxaan iyo cay qaawan ah oo aan ku fadhiyin wax Xikmad ah hana ubadnaadeen raga Safka hore kajira Xukuumadan xiligan ee uu hogaamiyo Madexweyne Axmed Siilaanyo iyadoo, ay dhaliisha loo jeedinayo hadba cida talada haysa iyo wixii ka qaloocdaaba ay tahey mid daruuriya oo aan laga maarmeyn inkastoo Mucaaridka laftiisu ay munaasib ku tahey in uu maanka ku hayo in dhaliisha maantu in ay noqon doonto, qodobka bari horyaala Mustaqbalka ee lagula Xisaabtamayo in ay Xasuusnaadaan Tusaale ahaan dhaliishii xad dhaafka aheyd, ee Madexweyne Siilaanyo isagoo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ah uu ujeedin jirey Xukuumadii ka horeysey ee Madexweyne Rayaale Hogaaminayey ayaa maanta oo uu Madexweyne dalka hogaaminaya waxey ku noqotey dhimbiil dab ah oo aanu habayraatee wax Dulqaad ah ulaheyn.
Sikastaba ha ahaatee Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi(ciro), oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaad moodaa in dad badan oo Taageerayaashiisa ah iyo kuwa kale oo iyaguna kamid ah Qeybaha Bulshadu ay had iyo jeero ka naawilaan in uu gambadhka ugu soo fadhiisto hadalada weerarka ah ee ay Siyaasiyiinta Somaliland caadeysteen taas, oo xataa hadii uu Madexweynaha ujeediyo dhaliil uu aflagaadooyin jawaab ah ka helayo markiiba Wasiirada Xukuumada SDiilaanyo ee aanay isku meeqaamka aheyn Maadaama, aan Madexweyne Siilaanyo si miisaaman ugu Jawaabi kareyn Hogaamiyayaasha Mucaaridka ah Islamarkaana, hadii ay noqoto in uu Jawaabona loo diyaarinayo Jawaab aan Munaasib aheyn sidii uu kal hore ugu Jawaabey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo kale.
Inkastoo Madaxda Qaranka dhamaantood looga baahan yahey dulqaadka iyo ka fogaanshaha hadalada sida fudud uga baxaya ee Weerarka iyo dhaliisha qaawan ah hadana Gudoomiye C/raxmaan-ciro waxa uu ku sifoobay mudadii uu Somaliland xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ka hayay in uu u dhaqmo hab asluubeed ay ka muuqato diblamaasinimada uu ku caan baxey iyadoo, dhinaca kalena had iyo jeer laga dareemo akhlaaqiyaad badan oo diinteena iyo dhaqankeenuba inagu waajibyeen, marka loo eego wakhti xaadirkana waxa sideedaba u fiican in sida uu hada uga aamusey arimo badan islamarkaana, uga gaabsadey yooyatanka aan Xikamada ku dhisneyn maxaa yeelay hadii uu ka hadlo qodoba xasaasi ah oo uu u maro xataa wado sharciyeed waxa suurtagal ah in uu ujawaabo rag aanay isku meeqaam aheyn sida Wasiir Xirsi oo kale oo Bulshada Reer Somaliland ku noqdey lafdhuun gashey iyo Wasiir indha,adeyg iyo hadalo aan nuxur laheyn mar walba lasoo hortaagan shacabka sida Jawaabtii uu ku naqdiyay Faysal Cali Waraabe ee Faysalna ka jawaabey, waxaanay dad badani ku dardaarayaan Gudoomiye Ciro in uu mowduuc kasta oo uu ka hadlayo ku saleeyo qaab Cilmiyeysan taas, oo ay cadeyn u tahey sida aanay Golaha uu Xukumo ee Baarlamaanka Somaliland aanay marnaba u mucaaridin sidoo, kalena aanay hadalo deelqaaf ah ugu marinin Warbaahinta.

Abdi Jicsin Awad

London