Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Somalia Mudane Mahad Cabdala Cawad oo London lagu soo dhaweeyey..

Qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalkan Ingiriiska gaar ahaa magaalada London iyo agagaarkeeda ayaa soo dhaweyn aad u sareysa ku qaabiley Gudoomiye kuxigeenka Barlamaanka Somalia Mudane Mahad Cabdala Cawad, Waxa kasoo qayb galay aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Haween kasoo jeeda Beel weynta Dir.

Kulanka casho sharafta ahaa oo ay hadalo aad u qiimo badan kasoo jeediyeen dhamaan Aqoonyahanada beesha Dir ee dalkan Ingiriiska,Suldaanka Guud ee beesha DIR iyo Haweenkii kasoo qaybgalay kulanka waxa ay mahadnaq usoo jeediyeen Gudoomiye kuxigeenka hawsha baaxada leh ay wadaan waxayna balan ku qadeen in ay la shaweyn donaan.

Gudoomiye kuxigeenka Mudane Mahad Cabdala Cawad oo ugu danbeystii hadalka lagu soo dhaweeyey ayaa aad ugu mahadnaqay sida quruxda badan ee losoo dhaweeyey,Waxa uuna warbixin dheer kaga waramay arimihii ugu danbeeyey ee dalku ku sugan yahay Somalia,wixii u qabsoomay iyo himilada ay hiigsanayaan oo uu ku tilmaamay mid wanaagsan.

Waxa kale oo uu ugu mahad celiyey hawshii dhawaan aad ku doorateenSuldaanka guud oo uu sheegay in ay tahay talaabo hore loo qaaday waxaanan aaminsan ahay in Suldaanku uu wax weyn ka qaban karo horumarka iyo dib u habeynta beesha DIR,Waxa uuna dhamaan Dirtu meelkasta ay joogaan kula taliyey in ay u hogaan samaan Suldaanka iyo gudida ku hawlan isku xidhka Besha.

photo (9) photo (1) photo (3) photo (4) photo (5) photo (6) photo (10) photo