HEES UU TIRIYEY ABWAAN CABDIWELI YALAS LANA BAXDAY MAKU WAARAYSTAANABAD.

Hees

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada madaxa banaan iyo bulsha sharafta leh ee ku hadasha afka soomaaliga.

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa hees ku saabsan  waayaha maanta kajira dunida sadexaad,magaca heestu waa, ma ku waaraysaa nabad? waana hees gaaban laakiin macne wayn xambaarsan ee ku soo dhawaada.

Hadii aad walaal kaa

Asagoon waxkuu dhimin

Waran inuu ku dhaco iyo

Wedka aad la jeceshahay

Ma ku waaraysaa nabad?

 



Hadii aad nin weyn-too


Wadan lagugu aamino

Adna aad walii iyo

Beenayso wacadkii

Ma ku waraysaa nabad?
 
 


Hadii aad waxgarad kaa, 

Waanada ku siiyiyo

Weriyeyaasha necebtoo

Wanjal aad la jeceshahay 

Ma ku waaraysaa nabad?



Hadii aad wanaagiyo

Waxtar kii yimaadaba 

Dadka kula wadaagtiyo

Wadaraha la necebtahay 

Ma ku waaraysaa nabad?



Adigoo wiil yar ahoo

Weli waayo arak noqon

Hadii uu wadaad-kani

Kaadhigay wasiir culus

Ma ku waaraysaa nabad?
 



Wax agooni leediyo,

Hadaad welefto xaraan,

Duniduna wadeeciyo,

Nabsi aanay waayayn,

Ma ku waaraysaa nabad?



Waagii beryaaba

Waayihiisu leeyoo

Noloshuna wareer iyo

Walbahaar ma waydee

Ma ku waaraysaa nabad?Â