“Inankan Yar Ee Xawaaladlaha Ahaa Ee Loo Dhiibey Awoodii Dalka”Faysal Cali Warabe

July 5, 2013 Hargeysa(SM) – Waftiga Somaliland uga qayb galaya wada hadalada Somaliland iyo Somalia ayaa saaka ka dhoofey magaaalada Hargeisa isla markaana waxaa laga reebey Eng Faysal Cali Waraabe oo isagu markii hore xubin ka ahaa waftiga.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi X. Xasan oo isagu hogaaminaya waftiga ayaa warbixin uu siiyey saxaafada waxa uu ku sheegey in Faysal waraabe laga reebey waftiga isla markaana uu galay qiyaamo qaran waxaanu yidhi :-

“Waxaanu kala garan weynay in Faysal uu la socdo dhinaca Somalia iyo inuu la socdo dhinaca Somaliland”

Hadaba arintaa ka dib waxaa galabta wareysi la yeeshay Telefishinka caalamiga ah ee Universal TV Eng Faysal Cali Waraabe oo jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay wasiirka madaxtooyada Xirsi X. Xasan.

Markii wax laga waydiiyey aragtidiisa ka reebitaanka laga reebey waftiga waxa uu ku jawaabay sidan;-

“Horta waxa weeye anigu eeda saariyo maayo inankan yar ee xawaadlaha ahaa ee loo dhiibey talada dalka ee waxaan eeda saarayaa Madaxweynaha”.

Anigu inaan dambiile ahay isaga ayaa sheegi doona oo cadayn doona markaa aniguna isaga u daba fadhiisan maayo hawsha talada qaranka.

Waxaanan u sheegayaa waftiga Somalia in aanu na matali karin inankan yar Somaliland isla markaana aanu go’aan keeda gaadhi karin, “

ugu dambayntiina Faysal waxa uu sheegey in shirkan aanay waxba ka soo bixi doonin

 

Salaanmedia/Hargaysa