Jaaliyada Ceelafweyn ee ku dhaqan cariga Ingiriiska oo deeq lacaga gaadhsiisey dadka masakiinta ah uu nool degmada si ay bisha ramadan ugu soomaan

Ceelafweyn(SM)- Jaaliyada   Ceelafweyn  ee ku dhaqan cariga Ingiriiska  ayaa dadka  masakiinta ah eek u nool Degmada Ceelafweyn gaadhsiiyey lacag dhan $5580 sidoo kale waxaa iyana dhiniceeda masakiinta gaadhsiisey lacag dhan $1700 hayada Taakulo Somaliland. Dhamaan lacagtaas $7280 waxaa loo dhiibey uruka Miskiin Kalkaal oo ah urur had iyo jeer caawiya masakiinta ku dhaqan Degmada.

 

Uruka Miskiin kalkaal ayaa dhinacooda ku balan qaaday inaay lacagtaas gaadhsiin doonaan masakiintii loogu tala galay waxaayna xuseen in aay lacagta u qaaybin doonaan laba qaaybood oo kala ah Faamliyada oo la siinayo cunto aay karsadaan 30 cisho ee bisha Ramadaan iyo dadka aan waxba karsan karin oo afuro loogu samaynayo masaajidada 30 casho ee bisha Ramada

Waxaanuna u mahad naqanayaa dhaamaan dadkii mashruucan ka qaayb qaatay waxaana leenahay ilahay dhamanteen ajar iyo xasanaad ha inaga siiyo Ramadaantan teeda kalena Ilahay ha inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo. Hadii ilahay garto waxaanuna rajeynayanaa in mashruucani uu noqdo mid joogta ah oo Ramadaan walba masakiinta la afuriyo iyadoo la iska kaashanayo gudaha iyo debeda. Sidoo kale waxaanu rajeynaynaa in mashruucan masakiinta lagu xasuusanayo bisha Ramadaan laga hir geliyo dhamaan Jamhuuriyada somaliland

 ceel-afweyn

Saeed M Jama

London, UK

smjaama@hotmail.com