Jaaliyada Somaliland EE Germany oo ka qayb gashay Xaflad balaadhan oo ay kasoo qayb galeen120 wadan (international festival)
Jaaliyada somaliland ee Jarmalka ayaa ka qayb gashay xaflad aad u balaadhan oo ka dhacday wadankan jarmalka xafladaas oo ay kasoo qayb galeen ilaa 120 wadan,waxaa halkaas wadan kastaa kusoo bandhigay
hidaha iyo dhaqankiisa iyo astaantiisa wadankastaa waxa uu joogay goob loo asteeyay oo uu kusoo bandhigayay Horumarka wadankiisa,anagoo matalayna Jamhuuriyada somaliland sidanana calanka somaliland waxaanu halkaas ku qaybinay qoraalo mihiima oo ka turjumaya qaranimada iyo madax banaanida Somaliland wax qabadkii somaliland ee 22kii sano.
waxaa xafladan kasoo qayb galay madax kasa cota wadanka jarmalka xisbiyada mucaaridka iyo kuwa muxaafidka ee jarmalka oo aanu dhamaantood gaadhsiinay dhanbaalkayagii waxaanu ku boorinaynaa
jaaliyadaha kale ee somaliland inaanay 18may uun baraarugin ee ay muujiyaan wax qabad kana faaiidaystaan jaanis kasta oo wadan keena wax u taraya ama magaciisa sare u qaadi karaya