JAALIYADDA BEESHA GOBOLADDA HAWD, DAADMADHEEDH, SAAXIL, TOGDHEER,MAROODI JEEX IYO KILILKA SHANAAD EE ETHIPIA OO SHIR KU QABSATAY DALKA JARMALKA IYO NUXURKA KHUDBADIHII HALKAAS LAGA SOO JEEDIYAY+SAWIRO

JAALIYADDA BEESHA GOBOLADDA HAWD, DAADMADHEEDH, SAAXIL, TOGDHEER,MAROODI JEEX IYO KILILKA SHANAAD EE ETHIPIA OO SHIR KU QABSATAY DALKA JARMALKA IYO NUXURKA KHUDBADIHII HALKAAS LAGA SOO JEEDIYAY+SAWIRO

July 1, 2013 – Written by ahmed

Offenbach (SM) Waxaa maalintii sabtidii, taariikhduna ahayd 29.06.2013 shir uga furmay magaalada Offenbach ee carigani Germany bahweynta Beelaha deg gobolada M.jeex, Hawd, Togdheer, Saaxil, Daadmadheedh iyo Kililka 5aad ee Eithopia

 

shirkaas oo loogu magac daray AFGARAD 4, ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan bahda beel waynta ARAB, aqoonyahano, siyaasiyiin

 

shir1

magac ku dhex leh bulshada SOMALILAND, wax garad, dhalinyaro, haween iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee beesha. Shirkan oo ahaa abid markii ugu horeysay ee beelaha ARAB WAYNE ku qabsadaan dalkani JARMALKA, ayaa waxa lagu lafo guray arrimo ay ka mid yihiin sidii loo horumarin lahaa deegaanada beeshu dagto, sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Dhaqaalaha, iyado dhanka siyaasadana lagu falan qeeyey danaha reerka iyo sidii tanaasul iyo Afgarad loogu dhamayn lahaa hadba khilaafaadka siyaasiga ah ee reerka la soo darsa.

 

 

shir2

Xildhibaan C.qaadir Haji Ismaciil Jirde, siyaasi Maxamed Ibraahin Aadan (QABO), iyo Mujaahid C.qaadir Mujaahid Aadan Cadde  oo hogaaminayey wafdi beesha ah, oo ka soo kicitimay cariga dalka UK, oo ka hadlay shirka ayaa waxay goobta uga soo jeediyeen dadkii ka soo qayb galay shirka, qudbado iyo waanooyin dhaxal gal ah, iyagoo kula dardaarmay sidii mar walba loo ilaalin lahaa isku duubnida iyo midnimada beesha,.

 

Shirkan oo noqonayey kii 4aad ee qurbaha ka dhaca isagoo kii 1aad ka dhacay dalka Sweden, kii 2aadna ka dhacay magaalada London ee cariga Britain, kii 3aadna ka dhacay dalka Imaaraadka carabta, magaalada Dubai, ayaa kanina noqonaayey kii 4aad.

Guntii iyo gabagabadii shirka waxa laysku af gartay 5 qodob

1. In la taageero Jiritaanka iyo Qadiyada madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland

qabo

2. In shirka Afgarad 4 uu taageersan yahay dhamaan qodobadii iyo maxsuuladii ka soo baxay kuwii ka horeeyey ee ka dhacay wadamada SWEDEN, UK, iyo Imaaraadka

 

3. In shirku si buuxda u taageersan yahay shir balaadhan oo beeshu isugu timaado, kaasoo laysku raacay in lagu qabto magaalo madaxda gobolka HAWD ee BALIGUBADLE, dabayaaqada AUGUST, ee sanadkan insha allah

4. In laga qayb qaato mashruuc dugsi BOODHIN ah oo laga hir galin doono caasimada gobolka HAWD ee baligubadle, kaasoo dhaqaalihii ku bixi lahaa reer GERMANY, ay qaybtooda inay bixiyaan qalinka ku duugeen

5. In laga qayb qaato mashruuca dhisida jidka isku xidha caasimada JSL ee HARGEISA iyo magaalo madaxda gobolka HAWD ee BALIGUBADLE.

Shirka ayaa gabagabadiisii beesha ARAB wayne iska ee dagan dalkan JARMALKU ay iska dhex doorteen Guddi ka kooban 9 xubnood oo ku kala dhaqan gobolada kala gedisan ee dalkani Jarmalka, 9.ka xubnood oo kala ah>

1. Xamse Xaaji Cali Qaafil

2. Maryan Axmed Cali

3. Axmed Xuseen C.laahi

4. C.risaaq Saydhiye

5. Mawliid Maxamed Cabdilaahi (Janan)

6. Maxamed Ismaaciil Qabile

7. Farduus Axmed Aw.Jamac

8. Nimco Xariir Cumar

9. Xasan Jibriil Xirsi

fffffff

Sidiiq Ciise Diiriye

Salaanmedia/Germany