Kulan dhex Maray Maamulka Caasimadda iyo Odayaal xaafadeed oo qodobo laga soo saaray

 

Hargeysa(SM)-Kulan maanta ka dhacay golaha deeganka caasimada hargyesa ayaa dhexmaray maayorka caasimada Hargeysa Md Cabdirahman Maxamuud Caydiid soltelco, maayorku xigeenka caaasimada Hargeysa C/siis Maxamud Xaashi, Gudiga arrimaha dhulka ee golaha deegaanka caasimada Hargeysa iyo odayaal iyo waxgarad ka wakiil ah deegaanka galbeedka waddada 200ft, taasi oo loo yaqaan jidka 150ka iyadoo dawlada hoose ee Hargeysa ay ka waday toosin iyo banayn.

Is afgaradkan ayaa ka dhashay ka dib markii ay masuuliyiinta dawlada hoose ee Hargeysa oo ay ka mid ahaayeen maayorka caasimada hargeisa Abdiraxman Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo gudoomiyaha dhulka Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin (Tima-cade) iyo Xoghayaha gudiga dhulka Xildhibaan Axmed Daahir iyo madaxa qorshaha iyo fidinta ee dawlada hoose kuwaasi oo qotodheer ugu sharaxay hawsha ay dawlada hoose ku toosinayso jidka 200 Feet, iyadoo ay odayaasha iyo waxgaradku si fiican u fahmeen waxayaabihii sida khaladka ah iyo been abuurka lagaga sameynayey shaqada toosinta iyo sixida wadooyinkaasi iyadoo ay si wanaagsan u garawsadeen shaqada ay dowlada hoose ka qabanayso toosinta jidkaasi.Waxaana kulankaasi gabo gabadii layskula qaatay qodobadan.

1 In dadweynaha halkaasi degan ay bixiyaan cashuurtii ciddii aan sharciyeysana ay sharciyeysato dhulkoodii.
2 In deegaankaasi ay soo xushaan guddi ay wada shaqeeyaan gudiga golaha deegaanka ee arimaha dhulka oo hawsha la qabanayo ay si miisaan leh isula lago guraan.
3 In dadka deegaanka iyo dawlada hoose ee caasimadu ay meel uga soo wada jeestaan cidkasta wado mapka ku jirta iibsatay ama iibsanaysana aan laga aqbalin.

Salaanmedia/Hargaysa