Madaxwaynah Somaliland Oo Ka Hadlay Sharciyada Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo Mudooyinkii U Dambaysay Ay Xukuumaddu Sas Ka Qaaday.

 

SIILAANYO

July 21,2013 Hargaysa(SM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu labaad jawaab ka bixiyay Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka oo ay Hargeysa ay kaga dhawaaqeen siyaasiyiin miisaan culus ku leh siyaasadda Somaliland.Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay Bogga uu ku Leeyahay barta Internet-ka xidhiidhka dadwaynah ee Twitterka, waxa uu ku sheegay in golahaasi uu yahay mid aan sharciyadda dalka u taala Waafaqsanayn, waxaanu qoraalkiisaasi ku yidhi “Somaliland Dhidibadeeda ayey Aasatay, Golaha kaliya ee Shacabku doorteenna waa Golaha Wakiilada, sidaa daraadeed Golaha cusub ee iskood isku cumaamaday waa Gole sharciga Baalmarsan oo aanu Dastuurkeenu Ogolayn.’ Ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Todobaadyadii ugu dambeeyay Xukuumaddu waxa ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay u dhaq-dhaqaajin lahayd Waxgaradka iyo siyaasiyiinta la dhinaca ah, kuwaas oo ay wada shaqayntooda ku xujaysay in ay marka hore cambaareeyaan Golahaasi.

Sulaadiin, Cuqaal iyo waliba xildhibaano ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay warbaahinta Dawladda ka sheegayay in aanay taageersanayn golahaasi isla markaana uu yahay mid nabadgalyadda Khalkhal gelinaya,balse ayadoo taasi jirta ayaa ayaa uu madaxwayne silanyo laftiisu galka seefta kala baxay,

Salaanmedia/ Hargaysa