Madaxweynaha SOMALILAND waxa la doortay shan sanno , qofkii doorasho rabaa ha sugo waqtigiisa ummadana halaga daayo JAHOWAREERKA

maqaal

Madaxweynaha SOMALILAND waxa la doortay shan sanno , qofkii doorasho rabaa ha sugo waqtigiisa ummadana halaga daayo JAHOWAREERKA.

 

Lama arag dad madaxweyne la doorway uun shaadka ka lusha oo haysta , madaxweynaha waqtibaa la doortay ah 5 sano hala sugo , nin cod ka qaybgalanayaa haka qayb galo.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay Golle ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ah Hogaamiyayaashii Ururkii dib u xoraynta dalka ee SNM, kuwaas oo ku dhawaaqay Golle ay ugu wanqaleen Golaha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka. Madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa uu ku hanjabay inaanay xukuumadiisu u dulqaadan doonin Siyaasiyiintaas oo uu xusay inay Cay, Aflagaado iyo Been Abuur ay caado ka dhigteen, kaas oo tilmaamay in talaabo laga qaadi doono cidkasta oo ka hortimaada hawlaha ay ay qaranka u hayaan waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxaanu sidaas Madaxwayne Axmed Siilaanyo ku sheegay mar uu shalay ka hadlay furitaanka Idaacada Qur’aanka Kariimka ah oo xadhiga ka jaray, kaas oo Bulshadda ugu dhawaaqay inay dhagaystaan Idaacadaas oo Qur’aanka Kariimka ah u gaar ah, isla markaana shacbiga u soo jeediyey inay ka fogaadaan bisha Ramadaan Xanta, Xasadka iyo Waxkasta oo Ilaahay Xaaraantinimeeyey. Ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Walaalayaal, waa loo baahnaa idaacada qur’aanka kariimka ah, waxaanan Wasaarada Warfaafinta ku hambalyeynayaa furitaanka idaacadan iyo bisha barakaysan ee Ramadaanta, waxa loo baahan yahay in sida Ilaahay ina faray aynu cibaadada badsano oo ay akhriska iyo dhegaysiga qur’aanka badsano, kana fogaano xanta iyo waxkasta oo Ilaahay innaga reebay, isla markaan wax u dhimaya dadkeena iyo qaranka Somaliland, kalana fogaynaya dadkeena. Mar labaad shacbiga Somaliland iyo masuuliyiinta waxaan ku hambalyeynayaa bisha barakaysan ee Ramadaan, Ilaahayna ha innaga yeelo inta uu soonka iyo cibaadadaba ka aqbalo.

 

” Madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in bisha ramadaan tahay bil cibaado, waxaannu yidhi “Bishani waa bil barakaysan, Waa bil cibaado oo iyadoo ay mar walba cibaadadu waajib tahay, hadana bishani waa mid gaar ah oo had iyo jeer culimadu inoo sheegto in aynu ka dheeraano xanta, xasadka iyo waxkasta oo Ilaahay (SWT) innaga reebay”. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas raaciyey “Suurtogal maaha in dadka qaarkood ay caadaystaan inay maalin walba la taagnaadaan cay, aflagaado, been abuur sharci-darro ah, iyadoo xataa lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaanta. Maalmahanba waxa aynu saxaafadda kala soconay hadalo naxli xambaarsan oo ragga qaarkood ka soo baxayey, hadaladaasi waxay isugu jireen kuwo loogu tallogalay in toos loogu dhaawaco deganaanshaha iyo xasiloonida dalka iyo kuwo shaqsi cay iyo xiqdi ah oo loo badheedhay. Dabcan, annagu masuuliyad culus baanu haynaa, waana lagama maarmaan in aannu u dulqaadano dhalliilaha, hasayeeshee, waxa aan shacbiga u sheegayaa in aanan cidna ka aqbalayn in sharciga dalka lagu tunto”.

Cali dheere Hargeysa.