Madaxweynaha Somaliya Oo Shuruud Ku Xidhay Sii Daynta Sheekh Xasan Daahir Aweys (Warbixin

awaysJuly 18,2013 Muqdisho(SM)Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SH Maxamuud ayaa shuruud ku xiray sii daynta SH Xasan Daahir Aweys oo muddo dhowr Todobaad ah gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya,sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah odayaasha beesha uu kasoo jeedo SH Xasan daahir Aweys ee Habargidir.
Waxgadaradka Beesha Habargidir ayaa sheegay in madaxweyne Xasan SH uu mar labaad uga baxay ballan uu la galay oo ahayd inuu SH Xasan muddo Todobo maalmood gudahood ah xorriyadiisa dib loo siin doono kadib markii ay kulan yeesheen waxgadardak beesha SH Xasan iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud,Odayaasha ay isku haybta yihiin SH Xasan ayaa sheegay in mafdaxweynuhu uu shuruud uga dhigay sii daynta SH Xasan inuu SH Xasan Daahir Aweys warbaahinta ka hadlo.
Waxgadardka beesha Habargidir ayaa ku eedeeyey madaxweyne Xasan SH Maxamuud in uusan ahayn nin la aamino karo maadaama ay sheegeen inuu ballamo hore uga baxay,waxayna sheegeen iney si cad ugu gacan sayreen soo jeedinta madaxweynaha ee ah in SH Xasan uu warbaahinta ka hadlo.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo la weydiiyey hadii uu Odayaasha ay SH Xasan isku haybta yihiin la galay ballan ku aaddan in SH Xasan lagu sii daynayo muddo Todobaad ah ayuu arintaasi beeniyey,wuxuuna daboolka ka qaaday in SH Xasan Daahir ay gacanta ku hayaan laamaha amniga dowladda isla markaane ay su’aalo weydiinayaan,wuxuuna ku gaabsaday in arinka SH Xasan ay go’aan ka gaari karaan maxkamadaha dalka sida uu hadalka u dhigay.
Beesha uu kasoo jeedo SH Xasan Daahir Aweys oo sheegtay in dowladdu ay si aan wanaagsaneen ula dhaqantay ayaa magaalada ka wadda kulamo gaar gaar ah oo ay ka yeelanayso arinka SH Xasan Daahir Aweys,Hoteelka Safaari ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay lagu qabtay kulan ballaaran oo ay soo agaasintay beesha Habargidir kaasoo ay ku casuumeen waxgaradka iyo madax dhaqameedka Beesha,

 

Salaanmedia/Mogdisho