Madaxweynaha Soomaaliya oo gaadhay, si heer sare ahna loogu soo dhoweeyey dalka South Sudan (SAWIRRO)

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaala madaxda Dalka Koonfurta Sudan ee Juba. Madaxweynaha Koofurta Sudan, Mr Salva Kir ayaa garoonka diyaaradaha ee Juba ku soo dhoweeyey, iyadoo loo tumay muusikada calanka labada dal, isla markaana kooxaha hidaha iyo dhaqanka ay halkaas ku soo bandhigeen bandhig faneed.

 

Madaxweynaha ayaa caawa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kir oo ay wada casheyn doonaan, kana wada hadli doonaan xidhiidhka labada dal, sidii ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfurta Sudan loo taageeri lahaa, iyo sidii dalka Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa.

 

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu caawa kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan oo uu kala hadlo sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, iyo horumarka ballaadhan ee ka socda dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doono xafladda sanadguurada 2aad ee maalintii xornimada dalka Koonfurta Sudan oo uu ka mid yahay Madaxweynayaasha caalamka ee ka qeybgalaya xaflada.

 

– DHAMAAD –

 

 Salaanmedia.com

MogdishoÂ