Madaxweyne Faroole Oo Shaaca Ka Qaaday In Puntland Magaceeda Uga Qayab Gali Doonto Shirka Looga Hadlayo Arimaha Somaliya Ee Ka Furmaya Bilgium-Ka (Daawo Sawiro):

Madaxweyne Faroole Oo Shaaca Ka Qaaday In Puntland Magaceeda Uga Qayab Gali Doonto Shirka Looga Hadlayo Arimaha Somaliya Ee Ka Furmaya Bilgium-Ka (Daawo Sawiro):

July 25,2013 Bosaaso(SM) Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in Puntland Magaceeda iyo Fikirkeeda oo aan cidina maamuleyn kana hadleyso Danaheeda gaarka ah in ay uga qayb galeyso Shirka ka dhacaya Dalka Biljimka kaasi oo looga hadlayo Arimaha Soomaliya iyo sidii taageero dhan walba leh midowga yurub usiin lahaayeen dadka Soomalida,wuxuuna hadalkan Madaxweynuhu ka yiri Kulan uu la yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socda Midowga Yurub oo uu hogaaminayo Agaasimaha Mudowga Yurub u Qaabilsan Arimaha Africa Nick Westcott.

 

“ Puntland Diyaar ayeey u tahay ka qayb galka Shirka Bruselles laakiin Taladeeda, Fikirkeeda, Qorshaheeda, iyo Magaceeda ayeey uga qayb galeysaa, Waan maqlayay Xasan Sheekh Mar uu xalay hadlayay in uu yiri Dhinac kasta shirka haka soo qayb galo taasi ma xuma laakiin inaga waxaan ka hadleynaa danta yada ina heysata, waxaana xooga saareynaa Puntland hadaan nahay Arimaha Siyaasada Amniga La dagaalanka Burcad badeeda, Qaadka, Gudniinka Fircooniga iyo hormarinta Haweenka, waxaan kaloo ka hadleynaa dhanka Waxbarashada Caafimaadka iyo arimaha kale ee Bulshada quseeya taana waa mid aan u madaxbanaan nahay si gaar ah ayaana uga hadleynaa Puntland ahaan sidaa waxaa yiri Madaxweynaha Puntland.

Nick Westcott oo dhankiisa hadlay wuxuu xusay in Madaxweyne Faroole ay ka wada doodeen Arimaha Burcad badeeda sidii loo idleyn lahaa iyo ka qayb galka Puntland ee Shirka Biljimka ka qabsoomaya ee Soomaalida lagu taageerayo, wuxuu kaloo xusay in ay ka wada hadleen Arimaha Dimuraadiyada oo uu sheegay in ay taageerayaan in meeshiisa laga sii wado wacyigelinta isagoo tilmaamay qorshahaasi hadii la hirgesho in Dadka Reer Puntland ay wax badan ka faa’iidi Doonaan.
Wafdigan ayaa markii uu kulankooda Soo idlaaday waxay Dib ugu laabteen Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya iyadoo lagu hehsiiyay in Puntland shirkaasi ka qayb gasho iyadoo danaheeda gaarka ah ka hadleysa sida ay 2da dhinac

Salaanmedia/Bosaaso