Maxa Ka Soo Baxay Kulankii Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh Iyo Wariyaasha Muqdisho

xasan shiikh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta xarunta Madaxtooyadda kulan wada-tashi ah kula qaatay, Tifaftirayaasha, Agaasimayaasha iyo Milkiilayaasha warbaahinta dalka.

Wasiirka Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo ka qeyb galay kulanka ayaa ugu horeyn Khudbad uu ka jeediyey kulanka waxa uu ka warbixiyey marxaladda ay ku shaqeeyaan Saxafiyiinta ka howlgasha gudaha Dalka ayadoo sidoo kalena uu Wasiirku madasha ka sheegay faa’iidada uu xeerka saxaafadda u leeyahay Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo sida uu xuquuqdooda u difaacayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka furay ayaa ka qeyb-galayaasha ka codsaday in ay u soo gudbiyaan tallooyinka ay qabaan iyo sidoo kale iney ka hadlaan dhibaatooyinka sida gaarka ah u heysta saxafiyiinta Soomaaliyeed oo uu Madaxweynuhu muujiyey iney Dowladda Federaalka Soomaaliya u taagantahay difaacidda xuquuqda Saxafiyiinta.

Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Warbaahinta Madaxa bananaan iyo saxafiyiinta Soomaaliiyeed oo ka hadlay Madasha ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda sida uu saxafiyiinta Soomaaliyeed ahmiyad u siinayo waxaana ay dhanka kale soo jeediyeen talooyin iyo aragtiyo ku aadan dhowridda xuquuqda Saxaafadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadlay markii ay saxafiiyinta goobta ka hadleen ayaa yiri“Xeerka saxaafadda in aanu u baahan-nahay waa isku raacsan-nahay, inta badan in uu wanaagsan yahayna idinka ayaa sheegay, marka hore xeerka aan jirsiino waxyaalaha yar yar ka ah ee aad ka sheegteenna waa laga bedelayaa”

“Dal kasta iyo Ummad walba xeerkooda waxuu ka jawaabaa daruufaha heysta, xeerkan anaga ayaa leh daruufaheena ayuuna ka jawaabayaa, sida aad og-tihiin sharciga waxa uu xooga saarayaa xaquuqda saxafiga, Dowladda Soomaaliyeed marnaba ma ogolaandoonto magac shaqo ku bedelasho, waa in uu jiraa mushaar ama gunno, sababaha xeerka loo abuuray ayeyna ka mid tahay,Dowladdu waxay qorsheyneeysaa in saxaafadda Soomaaliyeed siiso tababar kor loogu qaadayo xirfadooda”

“Waxaa socda qorshayaal ammniga lagu xaqiijinayo, wariyayaasha waxay ka mid yihiin dadka sida gaarka ah ammaankooda looga walaacsan yahay, Insha Allaah Dowladdu ammaanka waa xaqiijin doontaan saxaafaduna haka qeyb galeen” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud la qaatay guud ahaan saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa kusoo gebageboobay jawi wanaagsan ayadoo saxafiyiintii kulanka ka qeybgashayna ay aad ugu riyaaqeen fursadda uu Madaxweynuhu siiyey.

Salaanmedia/Mogdisho