Maxkamadda ICC Oo Shaaca Ka Qaaday In Laba Ka Mid Ah Markhaatiyaashii Dacwadda Uhuru Kenyatta Ay Diideen In Ay Markhaatiga Ku Furaan

(SM:Hargaysa)   Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa sheegtay inay laba ka mid ah markhaatiyaashii ku markhaati furi lahaa madaxweynaha Kenya, Uhuru Keyatta ay ka laabteen markhaatinimadooda, kadib markii ay u baqeen naftooda.

Warqadda ayaa lagu sheegay in markhaatiyaashan ay sheegeen inay jiraan khataro ku soo fool leh noloshooda, waxaana maxkamaddu ay xustay inay ku guul-darreysatay dowladda Kenya inay sugto ammaanka markhaatiyaasha.

Afhayeen u hadlay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, Faadi Cabdalla ayaa sheegay in maxkamaddu ay markhaatiyaan cusub ku soo dari karto kiiska ayna haysato markhaatiyaal ka badan soddon ruux.

Markhaatiyaasha ka baxay kiiska ayaa la sheegay inay tahay mid dhabar-jab ku keeni karta dacwadda loo haysto madaxweynaha dalka Kenya, Kenyatta taasoo la xidhiidha rabshado ka dhacay dalka Kenya oo ay dad badan naftooda ku waayeen.

Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay xilka madaxnimo ee Kenya bishii Maarso ee sannadkan iyo ku xigeenkiisa, William Ruto ayaa loo haystaa dambiyo ka dhan bani’aadamnimada, kuwaasoo dalka Kenya ka dhacay sannadki 2007, markaasoo lagu murmay doorashooyinkii madaxnimo ee xilligaas.

 

Rabshadahaas ayaa waxaa ku dhintay 1,000 qof, iyadoo ay ku barakaceen in ka badan 600,000 oo qof, iyadoo madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa ay horay u sheegeen inay iska difaaci doonaan eedeymaha loo haysto ee ka dhanka xuquuqda aadanaha.

Salaanmedia/Hargaysa